Xildhibaan Maxamed-weli
Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay maceeshada qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee jabay, waxaanu ku baaqay in wax laga qabto qiimaha maceeshada.
Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ku baaqay in laga faa’iidaysto biyaha roobka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya maceeshada “Qiimihi sarifku wuu jabay, Xukuumaddana waan ku bogaadinayaa Siyaasadeeda ku waajahan sicir bararka iyo qiimaha sarifka, laakiin iyadoo sarifkii inoo jabay, haddana maceeshadii waa qaali, dadkii masaakiinta ahaana wali wey dulman yihiin, oo culayskii uu haystaa, ee waxaan Xukuumadda kula talinayaa inay maceeshada wax ka qabato, Ganacstaduna dantooda oo qudha yaanay eegan ee dadkooda hoos u ha eegaan, oo maceeshada ha u jabiyaan”.
Mar uu ka hadlaayey roobabka curtay ayaa yidhi “Mar haddii uu Rabi inaga dulqaaday abaartii, oo roobkiisi iyo raxmadiisi ina siiyey, waa inaynu u shugri naqnaa mar walba, maxaa yeelay Rabi cid aan ahayn oo dhibka iyo abaarta inaga dulqaadi kartaa ma jiro, ee wakhtiga abaarta iyo iyo wakhtiga barwaaqadaba inaynu warwar,walaac, walbahaarno maaha,mana ah inaynu quus v iyo niyad jab soo istaagno ee waa inaynu ka faa’iidaysanaa biyahaas roobka ee uu Rabi ina siiyey, waana inaynu qorshe aynu kaga faa’iidaysanayno la nimaadna, waa inaynu wax beerana, oo aynu wax la soo baxnaa, si aynu uga maarano wax badan oo dalka dibadiisa inooga yimaada”.