Ramaax Oo Madaxweyne Biixi Ku Dhaliilay Muwaadinka Dhulkiisa Madaxtooyada La Dhisayo Looga Qaaday

0
304

Hargeysa(Geeska)-Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax xoghayaha arimaha gudaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa ku dhaliilay madaxweyne Biixi inuu dhul ka qaaday muwaadin xaq u leh dhulkiisa, waxaanu xukuumada uga digay inay dhulkaas ay ka qaado muwaadinkaas.

Ramaax oo la hadlaayay HCTV waxa uu yidhi “Waxa maanta taagan mid xukuumada laftigeeda hoggaankii ugu sareeyay uu ku kacay waad arkaysaan Ina Xasan Dalab qaylada ka baxaysa caruurtiisii iyo hooyooyinkii, odayaashii waa dhibaato runtii ay ahayd in aanay kor u soo bixin ee ay tahay xaqoodii oo la duudsiyaayo oo xoog lagaga qaadayo oo xukuumadu u badheedhay iskana qaban la’dahay, xukunkii maxkamada ayuu haystaa, waxa uu xaq u leeyahay xukuumadu haddii ay u baahato dhul waa ay la wareegi kartaa laakiin waa in waxiisii loo celiyaa waa in wada xaajood iyo qancin la qanciyay ay timaadaa.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.