Ururada Iyo Hay’adaha Warbahinta Oo U Jawaabay Kooxo Ku Hadlay Afkooda

0
4874

media_somaliland

Hargeysa(Geesk)-Bayaanka ay saxaafadda madaxabanaan iyo hay’adaha warbaahintu soo saareen   kadib markii ay kulan ka yeesheen Qoraal  ay Kooxi  soo saartay ayaa waxay isla qaateen War-saxaafadeedkan ay ku cadaynayaan inaanay Kooxdaasi ku hadli Karin Af-ka Saxaafadda isla markaana aanay jirin cid u igmatay inay go’aan ka soo saari karaan War ay qortay Warbaahin ama Suxufi.

Qoraalka oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:-

Anagoo kala ah Mas'uuliyiinta Ururada Saxaafada, Hay'adaha Madaxa-banaan iyo Suxufiyiinta ka hawl-gasha Somaliland, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanay jirin koox ama shakhsi gaar ah oo aanu u igmanay inay ku hadasho Af-ka Suxufiyiinta, sidaasi daraadeed anagoo ka jawaabayna qoraal ay Saxaafadda ku qoreen qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Warbaahinta Dawladda ka shaqaysa  iyo koox ay isku shaqaystaan, waxaan cadaynaynaa, in aanay lahayn awood sharci oo ay ku gaadhi karaan go’aan ay wax kaga sheegayaan war ku soo baxay War-baahin ama aanay si gaar ah ugu faro-gelin karin Suxufi gudanaya waajibaadka ay u damaanad qaadeen Dastuurka iyo Xeerka Saxaafadu.

 

Waxaanu u aragnaa qoraalkii ay ku baahiyeen 06/June/2011 war-baahinta qaarkeed inuu ahaa mid majara habaabin ah oo aanu cadayn ujeedada laga lahaa maadaama aanay qoraalkooda ku cadayn warka ay naqdiyayaan ee Wargeyska Waaheen ku soo baxay cadadkiisii 583, isla markaana aanay jirin cid u xil-saaratay iyagu inay go’aan ka gaadhaan Wararka iyo Maqaalada ku soo baxa War-baahinta Dalka.

 

Wargeyska Geeska Afrika

Wargeyska Saxafi

Wargeyska Jamhuuriya

Wargeyska Yool

Wargeyska Foore

Wargeyska Waaheen

Wargeyska Dhambaal

Televisionka Somaliland Space Chennel

Ururka Saxaafada ee Meris

SomalilandFreelance Journalist Association

Afhayeenka Ururka SSJW

Afhayeenka Ururka Saxaafada SOLJA