Ujeeddada Wufuud Uu Komiishanka Doorashooyinku U Kala Diray Gobollada Dalka

0
20

Hargeysa (Geeska) – Guddiga doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa Wufuud u kala diray gobollada dalka.

Weftigan oo ujeeddada socdaalkoodu tahay inay qiimeeyaan goobaha cod-bixinta doorashada, ayaa waxa soo dhaweeyay Maamullada Magaalooyinka ay tageen.

Marka koowaad, weftiga gobollada bariga ee komiishanka oo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha KDQ

Md. Muuse Xassan Yuusuf, Komishineer Siciid Maxamed Cismaan iyo Komishuneer Axmed Yuusuf oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada, ayaa waxay soo kormeereen goobaha codbixinta ee Degmada Burco Ed xarunta gobolka Togdheer.

Weftiga KDQ intii ay ku gudajireen hawgalka sahaminta iyo kormeerka goobaha codbixinta waxay kulamo la yeesheen masuuliyiinta KDQ ee Gobolka Togdheer iyo Maamulka Jaamacada Burco.

Sidaasi oo kale, Weftiga Komiishanka ee socdaalka ku tagay gobollada galbeedka Somaliland oo ay hogaaminayaan Gudoomiye Ku-

Xigeenka KDQ Md. Axmed Cismaan, Ibraahin Macallin, Xuseen C. Cali (Badhaani) iyo Faadumo Ismaaciil Cabdi oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada (Taskforce) ayaa waxay soo kormeereen goobaha codbixinta ee Gebiley.

Weftiga KDQ intii ay ku guda jireen hawgalka sahaminta iyo kormeerka goobaha codbixinta, waxay sidoo kale booqdeen magaalo-xuduuddeedka.

Komiishanku waxay na la kulmeen Guddida Nabadgaliyada oo ay hormood u yihiin Badhasaab Ku-xigeenka Gobalka Gebiley, Maayirka Magaalada Gebiley iyo Maayirka Magaalada Wajaale.

Sidoo kale, Weftiga komiishanka ee u baxay gobollaaa galbeedka dalka, ayaa gaadhay gobolka Selel. Weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ee sahaminta goobaha doorashada gobalada galbeedka dalka JSL oo ay hogaaminayaan Gudoomiye Ku-Xigeenka KDQ Md. Axmed Cismaan, Ibraahin Macallin, Xuseen C. Cali (Badhaani) iyo Faadumo Ismaaciil Cabdi oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada (Taskforce) ayaa waxay soo kormeereen goobaha  codbixinta ee Gebiley.