Ujeedada Kulan Dhex Maray Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddiga Doorashoyinka

0
552

Picture6Hargeysa(Geeska)-Komishanka Doorashooyinka  Somaliland Iyo Saddexda Xisbi Qaran  ayaa kulan ay shalay wada yeesheen waxay kaga wada hadleen halka ay marayso u diyaarinta hawsha Diiwaan galinta Codbixyeyaasha Doorashooyinka Soo socda ee dalka ka dhici doona. Kulankan oo ahaa mid Albaabadu ay u xidhnaayeen ayaa kadib markii uu dhamaaday kulankani waxaa warbaahinta   uga waramay waxyaabihii ay kawada hadleen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu isagoo ka waramaya waxyaabihii ay ka wada hadleen ee ku saabsan Diwaangelinta, uu yidhi   "Waxaanu ka wada hadalnay shaqadii Diiwan  galinta Codbixiyeyaashu halka ay marayso,waa ay mahadsan yihiin Shaqo fiican ayaa ay qabteen meel fiicana waa ay noo maraysaa,waxaanu isku diidnayna ma jirto warbixintii ay nasiiyeen,waxaana noo muuqata in aynu aad iyo aad ugu dhawnahay in ay inoo qabsoonto diiwaan galintii. Bisha 21-keeda waxaa la galayaa Tijaabadii diiwaan galinta Codbixiyeyaasha waxaana laga galayaa magaalada Baki iyo Magaalada Hargeysa oo goob ah 300-oo qof ayaa lagu tijaabinayaa 200-qof waxaa la doonayaa in ay ku celceliyaan si loo arko bahalku in uu shaqaynaayo iyo in kale si u kasa, markaa warbixintaas ayaa ay nasiiyeen in ay hawshaasi ay qabten waanan isku af garanay wax naga Xumaadayna ma jiraan"

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo ka fiican ka muujiyey qabsoomida Doorashooyinka fooda inagu soo haya isaga oo tibaaxay in mar hadii ay Axsaabta Siyaasada,Komishanka Doorashooyinka Iyo Wasaaradda Arimaha Guduhu ay ka midaysan yihiin  ay rajo fiicani ka muuqato waxaanu  yidhi "Horta dadku waa dad yar weeye waxaana ay wakhtiga diiwaan galintu ay qaadataa waxa weeye waa afar bilood  markaa waxaanu jecel nahay in horta sanadkan gudihiisa ay noo qabsoonto diiwaan galinta si wanaagsan oo aan khal khal ina galin,Doorashooyinkiina hada wali lama gaadhin laakiin waxa aanu hada ka hadlaynaa waa diiwaan galintii Codbiyeyaasha doorashooyinka dalka sidaasi awgeedna hadda wax badan ayaa lawada qaban karaa haddii la wada shaqeeyo hada saddexda Xisbi qarana waa ay wada shaqaynayaan wax aanu ku kala duwanahayna ma jirto Komishankuna waa uu inala shaqaynayaa daakhiliyadana waa ay la shaqaynaysaa  markaa waxaan filayaa mar hadii la wada shaqaynaayo in hawshu inoo hawl yaraato"