UCID Oo Ka Jawaabay Talo WADDANI U Soo Jeediyey

0
561

Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), ayaa jawaab ka bixiyey talo uu u soo jeediyey Afhayeenka Xisbiga Waddani, oo ahayd in xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay khilaafyada ka dhex jira soo af jaraan, iyaga oo xalka u maraya sharciga u yaalla. Waxa se uu intaas ku daray in xildhibaan Buubaa iyo xildhibaanno kale oo xisbiga UCID ku soo baxay xilligii doorashada balse markii dambe WADDANI ka mid noqday ay sifo sharci darro ah ku fadhiyaan kuraasta.

af hayeenka ucid shabaash

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isaga oo arrintaas ka hadlaya yidhi “Xisbiga WADDANI, gaar ahaan Afhayeenka Xisbiga WADDANI, waan uga mahadnaqayaa marka hore talada uu noo soo jeediiyey ee ahayd in aanu khilaafkayga dhamaysanno, oo aanu raacno Sharciga Xisbiga, balse waxa aan leeyahay adiga iyo Xildhibaano badan oo kale oo ka tirsanaa Xisbiga UCID ma raacdeen oo ma ku dhaqanteen sharciga, maxa yeelay waxaa cad inay jiraan Xildhibaano badan oo ka mid ahaa Xisbiga UCID inay Xisbigii ka baxeen, kuna biireen Xisbi kale, iyaga oo sameeystay xeer u gaar ah, oo aan sharci ahayn, sharciguna waxa uu dhigayaa haddii uu Xildhibaan ka baxo Xisbi uu ku jiray wuu iska casilayaa oo uu bannaynayaa kursigii madaama kursiga uu ku fadhiyo uu leeyahay Xisbi, markaas wuxuu waajibku ahaa in Xildhibaadii ka tirsanaa UCID ee ka tagay inay kursiga baneeyaan, si uu Xisbigu u qaato, markaas maaha in qof isagii sharcigii xisbiga jebiyey uu wax naga sheego”

Dhinaca kalana  afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Mudane Shabbaash oo ka hadlayey, wareegtada uu madaxweyne Siilaanyo dhowaan ku soo saaray dhimista Miisaaniyadda oo ahayd qodob kale oo uu waraysigaas gaarka ahaa ee Khamiistii uu Geeska Afrika baahiyey kaga hadlay, guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiillada oo isla markaana ah afhayeen waddani.

Mudane Shabbaash waxa uu yidhi, “Miisaaniyadda is-bedelka lagu sameeyey ee ay Xukuumaddani leedahay Abaaraha dartood ayaanu u jarnay kharashka ee uu Madaxweynuhu go’aanka ka soo saaray, haddii siddeeda loogu dhaqmo oo daacad laga yahay waa caadi, haddii kale oo ay khiyaamo ku jirtana ILLAAHAY baa arkaya oo aanay waxba ka qarsoonayn lana xisaabtami doona”