Hargeysa (Geeska)-Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Golaha Guurtida Somaliland, waxaana ay ku dhaliileen qodobo ay ka mid yihiin muddo kordhinta ay Guurtidu u sameeysay Xukuumadda iyo Wakiilada, heshiiska Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda ee ay sharci darada ku sheegtay,mawqifka uu Guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan ka istaagtay muddo kordhinta, anshax marinta laba Xildhibaan oo ka tirsan Guurtida oo loo gudbiyey Guddida Joogtada iyo fasaxa ay galeen iyada oo xaalad Siyaasadeed oo xaasisiya oo muddo kordhinta ku saabsani ay jirto.
Ku simaha Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud iyo Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac oo ka tirsan Golaha Guurtida oo Wareyska Geeska Afrika uu wareysi la yeeshay, ayaa sidoo kale waxay eedahan Labadan Xisbi Mucaarad uga imanaya Guurtida si adag uga hadlay una beeniyey Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac oo ah Muddane ka tirsan Golaha Guurtida.
Ugu horeyn Ku simaha Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo arintan ka hadlaya ayaa hadalkiisi ku bilaabay sidan “Golaha Guurtidu waa Gole ay Somaliland ku soo caano maashay, Somaliland waxa ay Somaliya dheerayd waa Golaha Guurtida, Raggii Golaha hogaamin jiray ee ka talin jiray maslaxada dalka badankoodii wey geeriyoodeen, waxaana Golihii iskugu soo hadhay Rag dhaxal ku yimid, iyo in yar oo aan ka fikiraynin danta guud oo ka fikiraysa dantooda gaarka ah, arinka muddo kordhintuna in badan ayuu soo socday, oo Tobankii Sanno ee ugu dambeeyeyba muddo kordhin ayaa loo sameeyey Xukuumaddaha, oo Guurtida ayaa muddo kordhinta sameeyn jiray, balse Guurtidu Sannad ama Lix bilood ayey muddo kordhin sameeyn jirtay, balse imika waxa ay kordhiyeen Laba Sanno ku dhawaad, dhinaca kale Axsaabtii iyo danaynayaashii Doorashooyinkuna heshiis ayey gaadheen, ay kaga soo hor jeedaan muddo kordhinta ay Guurtidu sameeysay, Golaha Guurtidana waxa aan leeyahay isku noqda oo Magaca aad ku soo nabad iyo caano maasheen ha xumaynina, sharaftii iyo miligihii uu Goluhu lahaa u soo celiya, waxa ay Xisbiyadu ku heshiiyeena meel mariya, go’aankiinuna maaha Ayad Quraan ah oo soo degtay, waana la bedeli karaa”.
Cabdinaasir Qodax ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko labada Xildhibaan ee ka tirsan Golaha Guurtida ee anshax marintooda loo gudbiyey Guddida joogta ah ayaa yidhi “Labada Xildhibaan ee uu Guddoomiyuhu yidhi waanu anshax marinaynaa waxa aanu u aragnaa anagu qayrul sharci, maxa yeelay Xildhibaanka ku jira Barlaamanka ama Guurtidu xaq ayuu u leeyahay inuu dareenkiisa cabiro, codna uu leeyahay,wax uu ogolaan kara, uu diidi karaa, uuna ka aamusi karaa, Dastuurka ayaana u ogol, markaas in Maanta la yidhaahdo go’aankii kordhinta ayey ka soo hor jeesteen ayaanu ku anshax marinaynaa meesha ma taalo.
Runtii waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa iyada oo lagu jiro xaaladan xaasaasiga ah in Golihii Laba bilood la fasaxo, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaana waa sharci daro inuu ku adkaysto muddo kordhin sharciyada ka fog, baalmarana muddo kordhinta iyo wakhtiga ay isla qaateen Axsaabta iyo Xukuumaddu”.
Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo isna dhankiisa dhaliilo culus uga soo jeediyey Golaha Guurtida iyo Guddoomiyahooda ayaa yidhi “Go’aanka ay isla qaateen Saddexda Xisbi in la qaato oo fulintiisa lagu dhaqmo ayey ahayd, Golaha Guurtidu Sharcigii iyo Dastuurkii wey ka talaabsatay, Guddoomiyaha Guurtiduna waxa aan u arkaa in isagu laftiisu uu baalmarsan yahay Sharcigii, oo wixii ay Saddexda Xisbi ku heshiiyeen ayuu Sharci daro ku tilmaamay, markaas madaama Xukuumaddii iyo Xisbul Xaakimkii leeyihiin ha la fuliyo waxa ay Saddexda Xisbi ku heshiiyeen, in Golaha Guurtidu la qaato ayey wanaagsan, ee inay ka hor timaado ma wanaagsana”.
Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jaamal Jaamac Xamaud ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko labada Xildhibaan ee ka tirsan Golaha Guurtida ee anshax marintooda loo gudbiyey Guddida joogta ah ayaa yidhi “Waan maqlay inay lahayn sharciga ayaa la hor geynayaa Labada Xildhibaan, waana wax khalad ah, Ninku inuu fikirkiisa sheegto, oo waxa uu qabo sheego Ninka Xildhibaanka ahi waa wax uu u madax banaan yahay, laakiin haddii la yidhaahdo fikirkiisa ayaa la cabudhinayaa oo lagu anshax mairnayaa, waa khalad saxna maaha”.
Xoghaye ku xigeeenka Xisbiga Waddani ayaa isaga oo baaq u diraya Guurtida waxa uu yidhi “Guurtida waxa aan ugu baaqaya inay dib ugu soo noqoto heshiiskii la gaadhay, inay u tudho Somaliland, inay u tudho Shacabka,in la isku tanaasulo oo dib la iskugu soo noqdo, halkaas ay Guurtidu istaagtay aad ayaanu u dhaliilayaa, waxaana leeyahay Guurtida Oodayashii dalka ayaad tihiin, wax badan ayaad dalka iyo dadkaba u soo qabateen, abaal baad u lahaydeen, Maanta dalka rabashad ka badbaadiya, waxa lagu heshiiyey ee Saddexda Xisbi iyo Xukuumadduba diyaar u yihiin ku raaca,Kitaabka Quraanka ayaan waxba laga bedeli karin, go’aankooduna Kitaab Quraana maaha, ee waa la bedeli karaa.
Haddii ay Fasax galeen waa la iskugu yeedhi karaa, Guddoomiyaha Guurtiduna Saleebaan Maxamuud Aadan inta uu iskugu yeedho uu dhamayn karaa arinta”
Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac oo isna si adag uga jawaabay eeddaha iyo dhaliilaha culus ee Mucaaradku u soo jeediyaan Guurtida ayaa yidhi “Mar haddii aqlabiyad wax lagu ansixiyo, waa sharci, aqlabiyadaas uu Goluhu wax ku ansixiyeyna waa mid lama taabtaan ah, dalkan iyo dadkanba waxa ay ku soo caano maaleen waa Odayaasha Guurtida, go’aan ay Guurtidu leedahayna cid kale waxba kama odhan karto,waxna kama sheegi karto, mar walba Guurtidu waxa ay ka soo shaqaynaysay, kuna hawlan tahay maslaxda dalka iyo dadka”.
Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac ayaa mar aanu wax ka weydiinay anshax marinta labada Muddane ee ka tirsan Golaha Guurtida ayaa yidhi “Anshax marinta waxa lagaga dhaqmo meel kasta, oo tusaale ahaan Ilmaha yar Guriga uu ka soo kaco ayaa lagaga dhaqmaa, waana wax meel kasta ka jira”.
Xildhibaan Mubaarig Axmed Jaamac ayaa mar aanu wax ka weydiinay sababta ay muddo kordhinta u sameeyeen ayaa yidhi “Golaha Guurtidu kama shaqayo Doorasho, Xisbiyada Mucaaradkuna waa Xisbiyo Qaran oo jira, muddo kordhintana waxa xaq u leh Guurtida, waa wax soo jiri jiray, jiri doonana, waana wax lama taabtaan ah, Komishankuna shaqo gaar ah ayey leeyihiin, Madaxseynahana waxa kursiga ka kaxayn kara Doorasho ama Geeri, Guddoomiyaha Golaha Guurtiduna keligii muddo kordhinta muu samayn ee Aqlabiyada Xildhibaanada Guurtida ayaa sameeyey, mana ah in lagu canaanto, ee waxa uu ahaa go’aankaasi go’aan sax ah oo Sharci waafaqsan, haddii aanu nahay Golaha Guurtida Muxaafid iyo Mucaarad Guurti iyo Odayaal ayaanu u nahay guud ahaan Bulshada reer Somaliland maslaxdooda iyo dantooda ayaanu ka talinaa, ee maaha in go’aankan muddo kordhinta khalad iyo sharci daro lagu tilmaamo si khaldana dadka loo fahan siiyo”.