Ayaa fashiliyay Inqilaabkii?
AFGEMBI (Inqilaab), ma aha dhacdo ku cusub dalka Turkiga. Waxaa ay ahayd 1960, 1971-1973, 1980 iyo 1997 mararkii si habqan ah ciidamadu u manjo-xaabiyeen xukuumadahii ka tallinayay dalkaa. Waxaa kale oo jiray inqilaab la isku deyay 2007 oo uu fashiliyay xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta oo hadda ka arrimaya dalka. Ku dar isku deyga afgembiga dhacay toddobaadkan.
Shacabka, war ku ma seegana sidii wax u dhaceen. Waxaa ay isugu jiraan dad u soo taagnaa dhacdooyinka aan soo sheegnay iyo in ka sii badan oo ka soo daalacday taariikhda dalkooda, ama kaga soo boogtay sheekooyinka jiilba jiilka kale ka sii dhaxlo.
Sidaa awgeed, dadweynahu waxaa ay sii xusuustaaan waxyeeladii. Weli kama ay bogsoon nabaradii iyo dib u dhacii ay ka tegeen talisyadii milaterigu oo aan la mahadin. Xukunka Mileteri waxaa lagu asteeyaa keli-talis, dib-u-dhac iyo boob ay ku danaysteen kooxo faro ku tiris ah oo ka soo jeeday gaashan-dhigga. Qaybaha bulshada ee taageeray kana soo horjeeday xukuumadahii la tuuray, iyaguna waxaa ay ku danbeeyeen in ay ku gubtaan dogobyada iyo dhinbilaha xukunka milateri.
Sidaa awgeed, muuqaaladii soo ifbaxay habeenkii Jimcaha 15/07, ma ay ahayn kuwo ku cusbaa dalka, balse waxaa cusbaa bisaylka dadka iyo go’aan qaadashada shacab caddeysimo (hub laan) ah. Sida aan ku soo sheegnay qaybtii 1aad ee taxanaha , kolkii kooxda inqilaabku ay gacanta ku dhigeen warbaahintii xukuumadda, Madaxweyne Erdogan waxaa uu suurta gashay inuu wareysi siiyay laanta Afka Turkiga eeTelifishanka CNN, isagoo farriin muqaal ah u sii mariyay warbaahinta bulsho ee “Facetime.” Erdogan waxaa uu shacabka ku booriyay, “si ay u ilaashadaan xukuumadda ay ku soo doorteen sida xalaasha ah in ay isugu soo baxaan jidadka magaalooyinka.” Weedhahiisii guubaabo waxaa ka mid ahaa, “Turkiga cusub in aanu ahayn Turkigii hore ee oggolaa heeryada ciidamada.” “Waa guulaysan doonaa.” “Si naxariis la’aan ah ayaan uga aar gudan doonnaa.”
Isla markaaba, shacabka ayaa si xamaasad leh u ajiibay baaqa gilgilay bulshada oo ka soo yeedhay afka Madaxweynahooda. Tiro dad ah ayaa ka soo dareeray guri kasta iyo goob kasta ee ganacsi. Durba, waxaa ay isugu soo banbaxeen fagaarayaasha iyo jidadka. Nafhurid iyo qalbi bir ah ayay kala hor tageen ciidanka. Sida darteed, arrintu markiiba waxaa ay iska rogtay jirjir cadka.
Yididiilo ayaa soo bidhaantay markii ay cagaha ku qaateen ciidanka. Hirar dadweyne ah ayaa si miyir la’aan ah ugu qammaamay taangiyada iyo dhuumaha cabbaysan ee qoryaha darandooriga u dhaca. Waxaa ay ku haliileen wax kastoo ay ka muuqato astaan ciidan. Waxaa ay indhahooda ka qarsadeen hubka culus oo hortooda gurguuranayay. Waxaana ay dhegaha ka furraysteen guuxa dayuuradaha korkooda lalayay oo ku soo fiiqayay qoryaha boobaha ah.
Dantu, waxaa ay isbaday shacab faro madhan iyo ciidamo hubaysan ilaa gows danbaydka. Waxaa legdamayay wada-tashi iyo keli-talis, sharci iyo sharci-darro, wanaag iyo xumaan. Waxaana si fool ka fool ah foodda isu daray damaca ciidanka iyo rabitaankii shacabka. Goolaaftan iyo hanjabaad, dhinacba dhinaca kale ayuu u babacdhigay. Mararka qaarkoodna xabbadu ayaa faraha ka baxaysay waxaana ay kurka ka guraysay dad shacab ah oo ku hubaysnaa hal-ku-dhegyadii Madaxweyne Erdogan.
Dagaalku saacado ayuu sii socday markii ciidamadu dib u gurteen. Marba marka ka danbaysa waxaa sii kordhayay tirada iyo miiganaanta shacabka. Ugu danbayntii waxaa la jebiyay malo-awaalkii iyo hankii ciidamada. Waxaana guulaystay runtii, geesinimadii iyo wadajirkii dadweynaha. Warbaahinta, dal iyo dibedba waxaa hadheeyay muuqaalo shacab faro madhan oo hubka ka dhigaya ciidan. Guul, guul, guul. Waxaa muuqday dablay iyo saraakiil beerka dhulka ku haya ka dib markii dadweynahu u xidheen si laba-duble ah.
Run ahaantii, awooddii shacabka ayaa ka gacan sarreysay awooddii qoriga. Dadweynaha ayaa ahaa halyayga, nafhuraha iyo geesigii jebiyay inqilaabkii la rabay in lagu shirqoolo xukuumadda. Waxaa fashilmay isku deygii afgembiga. Waxaana guulaystay gurmadkii iyo badbaadintii shacabka. Hase ahatee, waxaa isweydiintu ahayd Madaxweyne Erdogan sida uu u maarayn doono guusha ay u soo gacan geliyeen shacabku.
Maxuu Yeelay Madaxweyne Erdogan?
Madaxweynahu waxaa uu si degdeg ah u qiray shacabku in ay badbaadiyeen dalka iyo xukuumadda. Waxaa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha isagoo ku guubabiyay in ay sii tubnaadaan jidadka ilaa iyo inta, si dhab ah, loo saxar-tirayo denbiilayaashii.
Ciidamo u daacad ah Erdogan ayaa si degdeg ah u la wareegay hubkii dhulka daadsanaa iyo maxaabiistii u xidhnayd shacabka. Markan inta uu felaggu meeray waxaa is rogay taayir ku socda xawli dheeraad ah. Dadaya iyo dawladdu waxaa ay ku joogaan raadka kuwii eedda loo tirinayay.
Isniin: Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa qiray in shaqada laga fadhiisiyay dad tiradoodu gaadhay 8,777 kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 7,899 ka tirsanaa booliska iyo sirdoonka. Isla markaa, waxaa jeelka loo taxaabay ilaa 7500.
Isniin: Ra’iisal Wasaaraha, Benali Yildirim ayaa tibaax ku sheegay, "ilaa hadda waxaa xabsiga la dhigay 7,543 eedaysane oo ay ku jiraan 100 boolis ah, 6,038 ciidanka gaashaandhigga, 755 garsoorka iyo xeer-ilaalinta iyo 650 shacab ah." Intaa waxaa uu ku ladhay tiradu in ay sii kordhi karto iyadoo uu sii socdo hawlgalkii. Wakaaldda wararka qaranka waxaa ay sheegtay dadka la xidhay in ay ku jiraan 103 janaraal. Waxaa la rukhseeyay 30 Guddoomiye Gobol iyo ilaa 50 saraakiil sare oo rayid ah.
Salaasa: Sida ay sheegtay Wakaaldda Wararka Reuters tiro 257 ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa laga cafiyay shaqada. Tirada dadka la xidhay waxaa ay kor u dhaaftay 20,000 waxaana ka mid ahaa 185 isugu jira janaraalo iyo gaashaanlayaal sare. Ilaa 1,500 qof oo kale ayaa laga eryay Wasaaradda Maaliyadda.
Salaasa: Sidoo kale. Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaqada ka eriday 15,200 qof. Isla marka, Golaha looga taliyo waxbarashada dalka ayaa amray in ay isa soo casilaan hormoodyada jaamacadaha dalka oo tiradoodu dhan tahay 1,577 hormood.
Arbaca: Si aaanay dalka uga bixin dad ku lug lahaa inqilaabka, Golaha Sare ee Waxbarashada ayaa si ku meelgaadh ah u mamnuucay in dalka looga dhoofi karo sababo shaqo ama waxbarasho. Isla markaa Golaha Waxbarasho waxaa uu rukhsadda (leesanka) ka la noqday 21,000 macallin oo wax ka dhiga goobha waxbarasho ee gaarka loo leeyahay.
Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxaa uu soo jeediyay in dib loo soo nooleeyo ciqaabta dilka oo Turkigu laalay sannadkii 2004 si ay u buuxiyaan shuruudaha looga baahanaa ka mid noqoshada reer Yurub. Madaxweynahu waxaa uu barlamaanka ka codsaday in ay dib u ansaxiyeen xeerka ciqaabta dilka si loogu fuliyo dadkii dhagarta galay. Waxaana uu ballan-qaaday haddii barlamaanku u soo gudbiyo isla markaaba inuu qalinka ku duugi doono.
Sida muuqata, xukuumaddu ma rabto in ay lumiso fursadan dahabka ah oo shacabku u soo gacan geliyay. Waxaa u qorshaysan in ay ku fuliyaan waxii qabyo ka ahaa. Hase ahaatee, sida ay wax u socdaan waxaa ka biyo diiday dad faro badan. Madaxweyne Erdogan waxaa lagu duray in uu si ba’an cagta u mariyay dadkii ay ku kala duwanaayeen aragtida. Hase yeeshee, hawlgalka socda Madaxweynahu waxaa uu ku sheegay in uu yahay mid xididada loogu siibayo dadkii inqilaabka waday isagoo ku tilmaamay kuwaas in ay la mid yahiin cudurka Kansar.
Aragtada Bulshada Caalamka
Haddaba, tan iyo intii uu fashilmay inqilaabku, xukuumadda Erdogan waxaa ay ku kacday hawlgallo looga shakiyay aargoosi siyaasadeed. Ka sokow in ay cagta marisay dadkii ku lug lahaa afgembiga, waxaa la sheegayaa in loo hoos geliyay xadhiga iyo xil-ka-qaadista kumanyaal aan denbi lahayn kuwaasoo xukuumaddu u arkaysay in ay lid ku yahiin hoggaaminta Erdogan.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ku tiraabay in ay taageerayaan tallaabo kasta oo sharciga lagu hor keeni karo dadkii ka danbeeyay isku deyga afgembi. Hase ahaatee, waxaa uu intaa ku ladhay in ay aad uga digtoon yahiin in hawlgalka wax loogu dhimo dad aan eed galabsan oo loo ciqaabo aragtidooda siyaasadeed.
Dhanka kale, haweenayda awoodda badan ee u arrimisa dalka Jarmalka, Ra’iisal Wasaare Angela Merkel ayaa ka digtay in Turkigu dib u soo celiyo ciqaabta dilka. taasoo sida ay sheegtay dili doonta qorshahii uu Turkigu ku haybinayay reer Yurub.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa isaguna sheegay, “inqilaabka fashilmay, ma habboona in lagu xalaashado dabargoynta mucaaradka.” Sidoo kale, Johannes Hahn, sarkaalka Yurub u qaabilsan qadiyadda Turkigu inuu ku soo biro Iskaashiga Yurub ayaa isaguna xukuumadda ku eedeeyay in ay ka takhalusayso dad aan eed gelin.
"Malaha xukuumadda waxaa meel u yaallay liis lagu taxay dadka ka soo horjeeda. Hadda ayay la soo baxeen liiskii si loogu badhxo kuwa lagu eedeeyay inqilaabka.” Sidaa ayuu yidhi Johannes. Eedayntan waxaa ay wax u dhimmaysaa Turkiga oo tobanaan sannadood u ololaynayay in uu ku biiro reer Yurub.
Komishinarka Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa isuguna aad u dhaliilay sida tarabtarabta ah ee xukuumadda jeelka ugu gurayso dad loo malaynayo in aanay eed ku lahayn denbeyada lagu soo oogay. Komishanarku waxaa uu sheegay, “xaalad kasta oo uu dalku ku jiro, waxaa lama huraan ah in la sugo xuquuqda dadka.”
Ugu danbayntii, Mostafa Minawi, Agaasimaha culuumta Turkiga ee Jaamicadda Cornell ee carriga Maraykan ayaa isaguna sheegay inqilaabka dhicisoobay inuu yahay hadiyad u gacan gashay Erdogan taasoo xukuumaddu uga faa’iidaysan doonto si kastoo loo xakamayn karo ciddii ay u aragto in ay halis ku yahiin siyaasadeeda.
Haddaba, ayaa loo aaneeyay inqilaabka? Waa kuma wadaadka Fethullah Gulen ee lagu shaanbadeeyay in uu ka danbeeyay inqilaabka? Balse maxaa laga filan karaa Maraykan oo Erdogan ka codsaday in uu u soo gacan geliya wadaadka Gulen? Jawaabaha iyo waxii faallo dheeraad ah ka akhri Qaybta 3aad.
Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraacTwitter @horrimania