Mar wal oo doorashooyin soo dhawaadaan – mid madaxweyne, mid baarlamaan ama mid gole deegaanba – waxa iyana garab socota tolnimo lagu raadiyo in lagu gaadho dano siyaasadeed, qaar guud iyo kuwo gaar ahaaneedba. ‘Tolla’ayda’ ayaa dacal walba ka yeedha, iyadoo laga taabanayo qofka aadamaha meelaha uu u jilicsan yahay, ha noqoto qabyaalad ama dhaqaale e. Ololayaasha siyaasaddu waa qaar aad is odhanayso waxa ay miyirka ka qaadaan intii maanka qabtay!
Waxa beryahan denbe hadal-hayntiisu fagaarayaasha siyaasadda iyo kuwa bulshaddaba ku badan tahay tartanka hordhaca ah ee ka dhaxeeya labada oday ee ‘isku beesha ka soo jeeda’ ee ku hirdamaya hoggaanka Xisbiga Kulmiye. Heerka uu doonno ha marayee, waa tartan ka bilowday reer dhexdii. Innaga oo dhacdooyinkaa tusaale u soo qaadan doonna, bal aynu isku dayno in aynu iftiiminno xidhiidhka ka dhaxeeya iyo saamaynta siyaasadeed ee ay leeyihiin labada tiir ee soo jireenka ah ee siyaasadda Soomaalidu inta badan ku taaggan tahay – tol iyo xeer, iyo ka gaddaal-soo-baxa ah ee xisbi.
Tan iyo maalintii uu Ingiriisku yimi dhulkeenna, waxa ahayd su’aal taaggan: Maxaa gun-dhig u ah xidhiidhada siyaasadeed ee Soomaalida dhex mara, yaa se xukuma nimankan go’yadda cadcad iyo warmaha sita? Khaladkii koowaad ee uu gumeystuhu galay ayaa ahaa in uu u qaatay in cuqaasha ama salaadiintu maamusho reerahooda. Ingiriis ka hor lama sawiri jirin jirridda iyo laamaha wakhtiyadan danbe lagu sunto able-ableynta reeraha Soomaalida. Ingiriisku kumuu guuleysan isku-dayo badan oo uu ku doonnayey in uu si dadban dadka u xukumo, isagoo adeegsanaya cuqaasha ama salaadiinta. Haddii caaqilka ama suldaanku aanu ku xukumi jirin, imika qudheedana aanu ku xukumin awood muquunineed inta uu caaqilka ama suldaanka u yahay, maxaa tolnimada wehilinnayey si ay isu xukumaan Soomaalidu?
Hab-dhiska tolnimo waa mid ku salaysan xidhiidh wada dhalasho, laakiin xadhkaha tolka isku haya ayaa ah xeer, kaas oo dhaqan ahaan inta uu saameeyaa ka wada qayb geli jireen samayntiisa iyo wax-ka-beddalkiisaba. Tolnimadu waxa ay mug iyo meeqaan ku lahayd xeerka. Taa macnaheedu waxa weeye, iyadoo dhalasho ahaan ay laba reer is xigi karaan, haddii xeerka la dhowri waayo ama uu jabo, tolnimadu may ahaan jirin mid isu sandulleysa walaalo xeer qaban waayey. Sidaa lidkeed, waxa uu xeer dhex mari jiray oo uu gaashaanbuur u samayn jiray laba reer oo aan dhiig dhalasho waddaagin.
Lakabka ugu hooseeya ee nidaamka tolnimo ee Soomaalidu waxa uuka bilowdaa jiliboo ah inta magta wada bixisa, isuguna timaadda laga bilaaboshan ilaa toddoba awoow. Jilibku dhaqan ahaan waxa uu ka kooban yahay dadka waddaaga xilalka bulsho ee ugu muhiimsan, sida bixinta magta, gaashaan-dhig midaysan, iyo is-taakuleyn xilligga baahi laxaad lihi ku habsato qof ama qoys ka mid ah jilibka. Inkastoo jilibku ahmiyaddaa siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba lahaan jiray, haddana siyaasadda Soomaalida waxa tilmaan muuqata ilaa maanta u ah sida is-garabsiga siyaasadeed aalaaba u yahay mid aan xasilloonayn balse guur guura. Intii awoow waddaagtaabaa gooni ayay uga gu’i karaan reerka iyo jilibkaba haddii ay u muuqato in aanay dantoodu ku jirin in ay ka sii mid ahaadaan. Heer kasta oo ka mid ah kooxaynta siyaasadeed ee Soomaalida, cod isku mid ah ayay ku lahaayeen ragga wixii qaan-gaadh ahi. Hore Soomaalida dhexdeeda ugama ay jirin imakana ugama dhex jirto wax la yidhaa ‘tolnimo aan dabadeed la hadal’. Ha u daymo la’aan, shalay iyo maantaba, kaalinta XEERKA.
Isleegtaa soo-jireenka ah waxa aad ku dartaa oo aad saddex-xagal kaga dhigtaa xisbi-siyaasadeed ay dimuqraadiyaddula timi oo isna leh xeerarkiisa – inkastoo dhawrista xeerarkiisu aanay u adkayn sida kuwa dhaqanka – deetanasawirka kuu soo baxaa waxa uu noqonayaa mid kakan, oo dhab ahaanna ilaa hadda aan la isla meel dhigin sida ay u wada shaqayn karaan, haddiiba ay suura gal tahay in ay wada shaqayn karaan.
Haddii aynu ku laabanno hirdanka Kulmiye ka dhex ooggan, durba waxaad mooddaa iyadoo aanay muddadii madaxweyne loo tartami lahaa dhaweyn in tartan waji tolnimo lihi bilowday. Waxa dad badani u muuqdaan in wasladdii ay u nuglaayeen la taabtay, oo ay u qaateen in ‘horyaalka’ ay isku reerka yihiin taageeriddiisu tolnimo ahaan ku noqonayso muqaddas– ama wax ku dhaw. Sida ay ila tahay, hal mar ayuunbay arrintaasi suuroobeysaa, marka loo eego mabaad’iida xeerka soo-jireenka ah: waa haddii xubnahauu tolku ka kooban yahay, gaar ahaan ragga qaan-gaadhka ahi, inta ay hal meel ku wada kulmaan, ka dooddaan, go’aanna ku gaadhaan in hebel ay isla qaateen uu beeshooda u caleemo saaran yahay. Xilliggan aynu nool-nahay ee filiqsanaanta juqraafi ay astaanta inoo tahay, waxa adag in kulan noocaas ahi u qabsoomo reer ama beel beelaha ka mid ah.
Inta aanu weli kulan jaadkaas ahi dhicin, go’aan laysku raacsan yahayna aanu soo bixin, iima muuqato sabab tolnimo ahaanloogu kala taageeri karo labada oday ee tartamaya. Haddiiba ay dadka qaar iyaga la noqoto in ay ku qanacsan yihiin oo taageersan yihiin Wasiirka ama Mujaahidka, waxa iyana sidoo kale macquuliyadda siyaasadda xisbiyadda badan iyo tartanka doorashooyinka ka fogaaneysa in loo iib geeyo go’aanka badh ka mid ah tolkuin uu yahay mid kama danbeys ah oo qabannaya mid maqan iyo mid joogaba. Xitaa waxa aan sax noqonayn in la yidhaa “Reer hebel ama bah heblaayo waxa ay isku raaceen in ay madaxweynenimo u taageeraan hebel.” Dhaqannada sansaantaas lihi – inkastooaad mooddo in ay soo kordhayaan saamayntooda siyaasadeedna ay laxaad leedahay waayaddan danbe –waaqaar aan waafaqsanayn hiddaha Soomaaliga iyo dabciga dimuqraadiyadda midna.Xeer Soomaaliga soo-jireenka ah iyo dimuqraadiyadduba waxa ay dhiggayaan in uu qofku talo iyo go’aan labaddaba ku yeesho sida looga arriminnayo mustaqbalkiisa siyaasadeed.Haddii xeerka laga saaro, tolnimadu waxa ay noqonaysaa qalfoofkii uu Ibn Khaldoun ku sheegay in ay tahay ‘hummaag’. Ayaan darradu se waxa ay dhacaysaa marka ‘hummaaggaasi’ dadka qaarkii la noqdo ODAY nool oo Qarniga 21-naad talinnaya.
Iyadoo tolnimada iyo xeerkuba ahaayeen qaar la isku xidhiidhiyo, lagu daggaallamo laguna heshiiyo, haddana Soomaalidu cidda ay hoggaanka u doorayso waxa ay u eegi jireen sifooyin uu ninka loo cummaamadayaa ay ahayd in uu la gaar noqdo, haddii aanu isku wada darsanna, uu badankooda KULMIYO: geesinnimo (colaad iyo nabad-ba), deeqsinnimo, dul-qaad, cod-karnimo, marti-sooryeyn, caddaalad, guurtinimo iwm. Ninka ay taladda u dhiibanayaan umay eegi jirin oo kaliya tolnimo iyo hanti midna, haddii uu sifooyinkaa kale ka qaawan yahay. Mar haddii tilmaamaha uu yeellanayo la isla yiqiin, may ahayn wax lagu murmo, “Yaa tolka u talinnaya?”
Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi
Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo
Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado
Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
Bakhayl baa gammiima'e intuu gaadhka ka qoslaayo
Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi
Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho
Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi
(Baroordiiq, Cali Jaamac Haabiil)
Xorriyaddii ka hor ayaa xisbiyadii ugu horreeyey laga aasaasay Somaliland. Laga soo bilaabo maalintaa, mar walba reernimadda (aalaaba teedda qalfoofka ah) iyo xisbinnimadu waxa ay ahaayeen qaar isku milan. Sida uu qoray Badhasaabkii ugu danbeeyey ee Ingiriiska u joogey Somaliland, xisbigii la odhan jiray Somali United Party waxa uu ka dhashay dareen ay qaateen ‘qabaa’il’ isu arkay in ay leeyihiin ahmiyad siyaasadeed, taas oo ay ku dhisan karayeenxisbi u gaar ah.Sidii tol yeeli jirayna, muddo gaaban kadib waxa ay xisbigoodii ku darsadeen Somali National League.
Cali Jaamac Haabiil waxa uu gabayga Baroordiiqmariyey markii uu soo gaadhay warkii dhiillada siday ee geeridii Xirsi Cilmi Goonle. Haddii duruuftii adkayd ee bulshidiisu ku noolayd ay si dabiici ah Xirsi uga dhigtay hoggaamiye miisaanka qofnimadiisu ka xoog roonaa hayn, hanti iyo olole uu u galo in uu beeshiisa u taliyo, ugu yaraan waxa aan daah innaga saarnayn in aanu jirin hannaan laysku raacsan yahay oo xisbiyadda qaranku ummadda ugu soo xulaan qofka ugu mudan ee ummadda u talin kara. Haddii dhaqan-siyaasadeedkii geedka la hoos tegi jiray ee loo sinnaa meesha ka baxay, xisbiyaddiina ay gabeen in ay buuxiyaan kaalintii siyaasadeed ee geedka, taladdu waxa ay ku soo ururaysaa in ay tartamaan tol-u-ekeyaalaan lahayn xeer dabra, qaab-dhismeedka xisbigunna noqdo garoonka xaadhan ee hirdanku ka dhaco.
Roomaaniyiintii hore ee Nebbi Ciise (CS) la noollaa waxa ay dhaqan u lahaayeen markahoggaamiyayaasha ciidanku guul soo hooyaan in ay yimaaddaan Roma si guusha ay soo hooyeen loogu dabbaal deggo, iyagana loo maamuuso. Inta gaardigga lagu jiro, waxa hoggaamiyayaasha ciidanka ee la maamuusayo garab socon jiray rag dhegta u saari jiray erayo macnahoodu yahay “Waa wax aan lagu waareyn” si loogu sheego lug-gooyada ku jirtaboggaadinta dusha looga tuuray. Waa wax aan lagu waareyn e, odayaasha uusheedda uga muuqday kursiga dalka ugu sarreeya waxa la gudboon in ay ka taxaddaraan in damacoodu sii kala fogeeyo BEEL marka horeba xidhiidhkeeda tolnimotukube ku luudayey.
Comments are closed.