Tirada Boqolley Ee Muwaadiniinta La Filayo In Ay Isu Diiwaangeliyaan Doorashooyinka 2017 Ka Iyo Sababta Ay Dumarku Ugaga Tiro Badan Yihiin Ragga

0
612

Hargeysa (Geeska)- “Doorasho xor iyo xalaal ahi dal kasta waxa ay u leedahay muhiimad aad u weyn, laakiin Somaliland waxaa ay u leedahay muhiimad kale oo dheeraad ah, taas oo ah in doorasho kale oo si guul iyo nabadgelyo ah ugu dhacdaa ay sii xoojinayso qadiyaddeeda ah in ay aqoonsi caalmi ah u hesho qarannimadeeda” Sidaa waxaa lagu bilaabay warbixin maalintii shalay lagu daabacay bogga internet ka ee wargeyska Deutsche Welle oo ah wargeys guun ah oo tan iyo sannadkii 1953kii ka soo baxayey dalka Jarmalka.

Cabdiqaadir-Iimaan

Warbixintan oo uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa hoosta ka xarriiqaysa in iyada oo ay doorashadu muhiimaddaas u leedahay Somaliland haddana tirada dadka isu diiwaangelinaya doorashooyinka sannadka 2017ku ay aad uga yar tahay inta la filan karayey, gaar ahaan ragga oo tiro aad u yari isdiiwaangelinayso, “Waxaa laga yaabaa in aad filayso in dad aad u tiro badani ay u soo baxaan isu diiwaangelinta codbixinta. Laakiin xaalku sidaas ma’aha, gaar ahaan dhinaca ragga. Runtii, inta ugu badan ee isdiiwaangelinaysaa isla markaana codaynaysaa waa dumar” ayaa uu warbixinta ku yidhi wariye James Jeffrey oo Hargeysa ka diray. Waxa aanu intaas ku sii darayaa su’aalo uu iska weydiinayo sababta keeni karta in ragga isdiiwaangelinayaa ay ka tiro yar yihiin dumarka iyada oo la og yahay in dhaqanka Soomaalida marka dib loo milicsado ay raggu inta badan talada hayaan, hormoodka bulshadana iyagu isu dhigaan, “In kasta oo ay Somaliland dhaqan ahaan tahay bulsho ninku saamaynta sare leeyahay, haddana dumarka ayaa tiro aad u badan ugu soo baxa codaynta” ayaa uu James ku yidhi warbixintan, isaga oo isweydiinaya, “Maxaa ku dhacay raggii?”

Si uu su’aashaas jawaab ugu helana waxa uu waraysi kala yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdiqaadir Iimaan oo jawaabtiisa ku bilaabay sidan, “Dumarka Somaliland iyaga ayaa ragga ka shaqo badan, iyaga ayaa ragga ka dulqaad badan, sidoo kalana, iyaga ayaa uga heellan ka qayb qaadashada horumarinta dalka”

Guddoomiya Cabdilqaadir Iimaan, oo siii wada hadalkiisa uu kaga jawaabay su’aasha James Jeffrey waxa uu intaas ku sii daray, “Ragga ayaa ay noqotay, waa caajis, mar kastana daroogadan (Qaadka) ayaa ay cunayaan, sidaa awgeed uma kala duwana in ay is-diiwaangeliyaan iyo in aanay isdiiwaangelin”

Wariye Jeffrey isagu sababtaa uu Guddoomiye Iimaan sheegay ee ah caajiska iyo qayilaadda ragga, waxa uu u arkaa in ay sababo kalana soo raaci karaan. Isaga oo soo bandhigayana waxa uu yidhi, “Guddoomiye IImaan ma’ uu qirin in tirada badan ee dumarka u soo baxay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashadu ay saamayn ku yeelan karto tirada guud ee bulshada oo kala badan karta, in kasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo. Haddana waxaa lagu qiyaasayaa in illaa boqolkiiba 60 dadka Somaliland ay dumar yihiin” Waxa aanu kala badnaanshiyahaa uu sheegay ee labada jinsi ku xidhiidhiyey, taariikhda dagaallada, sida dagaallada qabiilooyinka, kuwa heer goob ah oo uu tusaale u soo qaatay kii Soomaalida iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in ay dagaalladaas ku le’atay tiro aad u badan oo ragga Somaliland ahi. Waxa aanu intaas ku sii daray sabab saddexaad oo ah, “In kasta oo imika nabad buuxda lagu nool yahay, haddana tirada ugu badan ee tahriibayaasha reer Somaliland ee u haajiraya Yurub waa ragga”

Sababta kale ee ay warbixintu sheegtay in ay keeni karto hoos u dhaca tirada dadka isdiiwaangeliyey ayaa ah, niyad jab uu wariyuhu sheegay in ay rag badani ka qabaan tayada murashaxiinta doorashada madaxtooyada u taagan iyo sidoo kale bulshada caalamka oo iyaduna aan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland siinin qiimayntii ay ka mudnayd, waxa aanu wariyuhu xusay aragtida muwaadin aanu magaciisa xusin oo arrintan ka hadlaya, “Ma codaynayo, waayo kuma raalli ihi tayada murashaxiinta taagan, oo aan lahayn wax qorshe ah, balse keliya doonaya in ay kursiga ka dhigtaan xoogsi” Muwaadinkan oo da’da soddonaadka ahi waxa uu sheegay in si ka duwan dunida kale ee galbeedka, xisbiyada Somaliland aanay lahayn wax qorshe siyaasadeed ah, isla markaana aanu jirin murashax aragti iyo tayo ku socda, iyo mid karti iyo mansabka in uu u qalmo lagu dooranayaa midna.

Dadaalka ay Somaliland ugu jirto in ay aqoonsi hesho oo aan weli midho dhal noqon ayaa isaguna ka mid ah sababaha rag badan ku keenay in ay ka niyad jabaan codaynta, “Ragga qaar diiwaangelinta uma’ arkaan arrin muhiimad leh, iyaga oo leh, waxa aanu dimuqraaddi ahayn 25 sano, laakiin taasi wax natiijo ah nooma’ ay keenin, sidaa awgeed doorashada waxba kama aanu faa’idin” Sidaa waxaa yidhi muwaadin ganacsade ah oo uu wariyuhu ku magacaabay Cabdirisaaq Axmed. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Dalalka kale ee aan dimuqraaddiga ahayn beesha caalamku waa ay taageertaa, halka Somaliland, aanay dhanna u socon. Dadka qaar ayaaba ka xiise dhacay geeddi socodka doorashooyinka”

Tirada guud ee dadka la filayo in ay is diiwaangeliyaan:

Warbixintan Geeska Afrika soo akhriyey waxa kale ee oo wariye James Jeffrey ka war doonay tirada guud ee laga filan karo dadka isu diiwaangelinaya doorashooyinka sannadka dambe lagu wado in ay ka qabsoomaan Somaliland, iyada oo la ogyahay in Afar gobol oo noqon kara kuwa ugu dadka badani ay illaa hadda diiwaangelintoodu dhammaystirantay. Guddoomiyaha Doorashooyinka Somaliland oo uu wariyuhu arrintaas weydiiyeyna waxa uu ku qiyaasay boqolkiiba 30 illaa 35 in ay ka noqonayso tirada guud ee dadka Somaliland oo qiyaas ahaan la odhan karo waa illaa 4 Milyan.

Guddoomiya Cabdiqaadir Iimaan oo faahfaahinaya sababta ay tiradaas yari isu diiwaangelisayna waxa uu yidhi, “Dadkayagu waa xoolo dhaqato, reer guuraa ah, oo hadba meel u guura, sidaa awgeed bulshada oo dhan ma’ heli karno” Waxa uu guddoomiya Komishanku intaas ku sii daray, “Sida Yurub, annagu ma’ lihiin meel rasmi ah oo qofka loogu soo hagaago, sida ay cawska u daba socdaan ayaa marmarka qaarkood ay xoolo dhaqatadu ka tallaabaan xuduudka Itoobiya”

Diiwaangelinta kadib:

Warbixinta uu Geeska Afrika qoraalkan ka soo diyaariyey oo aad u dheerayd waxa ay ugu dambayntii hoosta ka xariiqday in marka ay diiwaangelintu ka dhammaato lixda gobol ee Somaliland ay hawl weyni u taallo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaana ka mid ah in la soo saaro liiska u dambeeya ee dadka codbixinta doorashada ka qayb galaya iyo in haddana la qaybiyo kaadhadhka dadka codaynaya, laakiin Guddoomiye Iimaan waxa uu wariyaha u sheegay in wax kastaa sidii loogu talogalay u socdaan, waxa aanu ammaanay nidaamka doorasho ee Somaliland oo ah mid bislaaday, “Marka ay timaaddo dimuqraadiyadaynta Somaliland, waxaa dareenkaaga taabanaya, sida dadku ay si iskood ah ugu soo baxayaan, nidaamkana u ilaashanayaaan, iyaga ayaa ismaamulaya oo safafka istaagaya” ayaa uu yidhi Guddoomiyaha Komishanka oo intaas ku sii daray, “Waa taas quruxda ay leedahay, marka aad aragtana, waxa aad xasuusanaysaa, waxa aad ku aragto dalalka galbeedka, halkanba dadku waa ay u bislaadeen dimuqraadiyadda”