Telesom oo Xalay Aqbashay Fulinta Amarkii Dawlada Iyo Laba Qodob Oo Lagu Heshiiyay

0
554

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Telesom ayaa kulan xalay madaxtooyada ka dhacay si rasmi ah ugu aqbashay go’aankii uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray isticmaalka adeega Zaad. Sidoo kale shirkadda Dahab Shiil ayaa iyana si rasmi ah u aqbashay go’aamadaas.

1

Kulan xalay madaxtooyada ka dhacay oo dhex maray shirkadaha Telesom, Dahab Shiil iyo Oomaar iyo wasiirko ka tirsan xukuumadda oo uu horkacayay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si rasmi ah la iskula qaatay in shirkadahani aqbaleen go’aamadii xukuumadda.

Qodobada la isla qaatay ayaa kala ah:

1. In adeegayada E-dahab iyo Zaad laga saaro wixii ka yar boqol dollar oo la meelmariyo go’aamadii dawladda, shirkadda Telesomna aqbashay in go’aankaas la fuliyo.

2. In la garwaaqsaday in shirkadda Telesom aanay 48 saacadood gudahood ku fulin karin amarka dawladda, farsamo ahaan.

Waxa la qabtay guddi farsamo oo xukuumadda iyo Telesom ah oo soo eegta wakhtiga hawshaas Telesom ku fulin karto.

Wasiir Maxamuud Xaashi, waxa kale oo uu cadeeyay inay shirkadda Telesom aqbashay fulinta go’aankii Madaxweyne Siilaanyo soo saaray, isagoo sidoo kale sheegay inay shirkadda Dahab Shiilna u soo qortay qoraal ay ku aqbashay go’aamadaas, halka ay shirkadda Oomaar iyaduna aqbashay go’aamada.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay shirkad ahaan qaateen go’aankaas uu Madaxweynuhu soo saaray, waxaanu sheegay in la isla qaatay in farsamo ahaan la isla eego sida ay Telesom uga shaqayn doonto farsamo ahaan fulinta go’aankaas, isagoo xusay in la magacaabayo guddi xukuumadda ka tirsan oo ay Telesom isla shaqayn doonaan.