Hargeysa(Geeska)-Telafishanka Caalamiga ah ee Universal Tv ayaa si toos ah u baahin doona ciyaaraha gobalada dalka oo maanta ka furmaya magaalada Burco.
Taratanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee maanta ka bilaabmaya Magaala madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, oo ah mid Sanadkan ka Xamaasad badan kuwii hore ayaa, Talafishanka Caalamiga ah ee Universal-Tv waxa uu dadweynaha ugu soo gudbin doonaa si toos ah iyadoo, ay Magaalada Burcona ku sugan yihiin Agaasimaha Talifishanka Caalamiga ah ee Universal Tv Somaliland Maxamed Caabi Digaale,iyo Wariyayaal ka tirsan Tvga iyo waliba farsama yaqaanada Talifishanka Universal, waxana howshan iska kaashaday Shirkada Isgaadhsiinta Adeega Telefoonada ee Somtel iyo Tvga Universal.
Agaasimaha Talifishanka Caalamiga ah Universal Tv Maxamed Caabi Digaale oo khadka isgaadhsiinta ugu waramay Wariye C/raxmaan Hiiraan, isagoo ku sugan Magaalada Burco, ayaa sheegay in ay howshan iska kaashadeen Talifishanka Universal iyo Shirkada Isgaadhsiinta Adeega Telefoonada ee Somtel.