Tayada Biyaha Iyo Saamayntooda (Water Quality And Their Effects)

30
4864

Eng. Sacad Ismaaciil

Biyuhu waa lafdhabarta noolasha, dhamaan noolaha ku nool aduunka waxay u baahan yihiin inay helaan biyo nadiifa oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, biyo kastana lama odhan karo waa nadiif.Waxa lagu qiyaasaa in 1.2 bilyan dadwaynaha ku nool aduunka aanay haysan biyo saafiya oo la cabi karo waliba 50% dadkaasi ay ku nool yihiin wadamada soo koroya.

Hadabamaqaalkeena kowaad waxaynu kaga hadli doonnaa qodobo dhowr ah sida:-

Maxaynu uga jeedna tayada biyaha (water quality).

Tayada biyuhu waa hab loo isticmaalo in lagu sharaxo qaababka kala duwan ee loo isticmaalo biyaha.  waxa kaloo la odhan karaa waa hab inoo sifaynaya waxyaalaha biyuhu ka kooban

yihiin sida kimikal (Chemical), muqaal (Physical) iyo noole ahaan (biological).

Haddaba guud ahaan ilaha  biyaha aynnu isticmaalno haddii aynu nahay Somaliland waa nooca biyaha ka yimaadda dhulka hoostiisa (Ground Water) iyo fara ku tiris kale oo biyaha oogada dhulka ah (Surface Water).

  1. Biyaha dhulka hoostisa

Dabiici ahaan biyaha dhulka-hoostiisu waa kuwo xor ka ah dikhawga amma wasakhda iyo waxyaabaha aan loo baahnayn ee waxyeelaya tayada biyaha.

Haddaba labaatankii sanno ee ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqa bani aadanku waxa uu ahaa mid saamayn caqabadeed ku yeeshay tayada biyaha, waxaana lagama maarmaan noqotay in si joogto ah loo hubiyo tayada biyaha.

Tayada biyaha oo xumaada waxaa ka dhasha cudurro badan oo khatar ku ah noolaha oo dhan tusaale ahaan:

-Tayada biyaha la cabbayo oo luntaa waxa ay keentaa cudurro fara badan oo ku dhaca bini aadanka ayna ka mid yihiin duummada, shubanka, IWM. Waxaana la sheegay in sannadki ay u dhintaan 14 milyan oo carruur ahi cudurrada la xidhiidha biyaha.

-biyaha warshadaha ee wasakhaysan ee lagu shubo baduhu waxa ay keenaan inay dilaan noolihii ku noolaa biyaha taasina waxa ay keentay in jinsiyo badan oo noolaha badda ahi ay ka dabar go’een adduunka.

Sidaa darteed biyaha dhulka hoostisa waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah ceelasha gaagaaban (Shallow Wells) iyo ceelasha dhaadheer (Deep Wells) markaa tayada biyaha labadaa qaybood waa kuwo kala duwan haddii aynu eegno tayada biyaha (Deep Wells). Biyahani tayo ahaan waa kuwa ugu fiican il-biyoodka waayo waa biyo sii dhexmaraya lakabyo kala duwaninkasta oo hada la ogaaday inay noqdeen kuwa wasakhoobaya sababo la xiddhiidha horumarka bini aadanka, warshadaha iyo magaalooyinka laakiin guud ahaan dhibta ugu badan biyahan waa macdanta (Minerals) oo xadigii loogu tala galay dhaafta.

halka biyaha ceelasha gaagaaban (Shallow Wells) ay yihiin biyo u dhow oogada dhulka taas oo halis ay u yihiin inay waxyeeloobaan ama wasakhoban (contaminated water) gaar ahaan  bakteeriyada ilma qabatayga ah (Biological), muuqaal (Physical) iyo kimiko (Chemical).

War bixintan oo faahfaahsan waxa aynu ku eegi doonnaa taxanayaasheenna dambe   lasoco….

Eng: Sa’ad Ismail. Hargeisa, Somaliland

sacad0404@outlook.com

Tell: 063-4650659

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here