Tan iyo markii lagu dhawaaqay ururka WADDANI wax had iyo jeer soo noqnoqanayey doodo iyo muran ku geedaaman labada door ee uu ciyaarayo guddoomiyaha golaha sharci dejinta ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isla mar ahaantaana ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADDANI.
Waxa cad oo marag ma doonto ah in danaha ururka WADDANI ee uu horkacayo oo ah urur siyaasadeed oo uu isagu soo samaystay looguna doortay guddoomiye iyo danaha golaha sharci-dejinta ee uu iyana guddoomiyaha ka yahay oo ah waajibaad ay ummaddu u igmatay ay yihiin qaar si toos ah isu khilaafaya (conflict of interest) oo run ahaantii aan danta ummadda sidii la doonayey ugu adeegayn, meel ka dhacna ku ah xildhibaanada golaha sharci dejinta iyo xukuumaddaba inay indhaha ka dadbaan, caddaalad darrana ku ah ururada kale oo dhan oo uu ku jiro xisbul xaakimka KULMIYE. Marmarka qaarkood wax la isweydiiyaa ma WADDANI ayaa ah xisbul xaakimka mise KULMIYE ayaa ah xisbul xaakimka waddanka ka taliya? WADDANI iyo KULMIYE laba waji oo isu eeg ayey yeesheen oo aan la kala garanayn.
Waa marka koowaade, guddoomiyaha golaha wakiilada waxa waajib ku ah inuu dhexdhexaad u noqdo xubnaha golaha wakiilada ee la soo doortay oo dhan iyo xisbiyada ay ka soo kala jeedaanba. Waxase cad in maadaama uu isaga naf ahaantiisu haatan horkcayo urur siyaasi ah lagana doonayo inuu dhexdhexaad u noqdo xubnaha golaha wakiilada iyo xisbiyada ay ka kala socdaan in sida caqliga saliimka ahi ina siinayo, aanay dhexdhexadnimadaas laga doonayaa, aanay suuragalayn. Waxa kale oo waajibaadkiisa udub dhexaad u ah in xildhibaanada golaha wakiiladu ay la xisaabtamaan dowladda (to hold the government to account) hase ahaatee mansabka guddoomiyanimo ee WADDANI ee uu hayo ayaan u suuragelin karayn inuu ku fasaxo, guddoomiye ahaan, in xildhibaanada golihiisu ay dowladda qaladaadkeeda tilmaamaan waayo haddii uu xildhibaanada xakamayn waayo oo ay afka la galaan dowladda wuu ogyahay inaanu isaguna labo mansab oo isku-lid ah aanu isku haysan karayn. Taasi waxay markaas meesha ka saartay waajibaadkiisii ugu weynaa ee loo doortay. Si uu danta ururka WADDANI u ilaaliyo ayaa wuxuu awooddii baarlamanka gacanta u geliyey dowladda. Waxa markaa qasab ku noqotay inuu sabcan waa daacan ku raaco wax kasta oo ay dowladdu samayso. Siyaasadda uu dowladda kula shaqaynayaa waxa weeye dhabarka ii xoq, anna aan dhabarka kuu xoqee.Taasi waxay markaas keentay in saddexdii dhadhaar ee dowladdu ku taagnayd in mid ka mid ahi, oo ah baarlamanka(waaxda sharci dejinta), uu ku milmo laantii fulinta. Digsigii Somaliland ee labaatanka sanadood soo karayey ee hareeraha laga wada fadhiyey wuxuu haatan saaranyahay laba dhadhaar wuxuuna halis u yahay in wuxuba inugu soo af-rogmaan haddii aan laga gaadhin inkastoo dhadhaarka kale ee garsoorkana ay qaar dubbe la dhacayaan.
Faranjiga aynu ka soo dheeganay nidaamka dimuqraadiyadda reer galbeedka ee aynu haatan ku dhaqanno waxay yidhaahdaan: guddoomiyaha baarlamanku waa inuu arrimaha axsaabta siyaasadeed ka fogaadaa, oo aanu xubnaha golaha wakiilada qaar u xaglin, waxay doonaanba ha rumeysnaadeene [The Speaker is above party political matters, and does not show any bias to particular members, whatever their political views]. Guddoomiyahu inuu arrimo xisbi siyaasadeed ka fogaado iska daaye isagaaba mid samaystay oo shookaanta u haya oo dhex du-duwaya baarlamanka dhexdiisa.
Xildhibaanka ururka WADDANI ka tirsan ee Cirro daacadda u ah iyo xildhibaanka kale ee aan ururkiisa ka tirsanayni uma sinnaan karaan sinaba laakiinse afka wuu ka sheegan karaa inay u siman yihiin. Xildhibaanka ururkaaga ka tirsan ee xalay aad ka wada faqdeen arrimaha ururkiina kuulama sinnaan karo xildhibaan urur kale ka soo jeeda oo laga yaabo inuu ururkaagaba ka soo horjeedo ama lid ku yahay oo maalin walba aad golaha wada fadhidaan.
Midda labaad, golaha wakiilada waxaynu ku ogayn inay fadhiyaan xildhibaano ka soo kala jeeda saddexda xisbi qaran ee shacabku soo doorteen (inkastoo ay immika ku sugan yihiin xaalad urur). Saddexda xisbi ee ummaddu taqaanay ee uu golaha wakiiladuna ka kooban yahay waxay kala yihiin: KULMIYE, UDUB iyo UCID. Haddaba haddii aynu golaha wakiilada ku ogayn in xildhibaanada saddexdaa xisbi oo keliya ahi ay fadhiyaan oo ay ahaayeen kuwa la soo doortay waxa haatan golaha ku soo biiray oo shacabku aanay dhaadin xisbi siyaasadeed cusub oo la yidhaahdo WADDANI oo sharciyan meel uu ka soo galo golaha wakiilada aan la garanayn balse uu guddoomiyihii loo doortay inuu golaha sharci dejinta uu dhexdhexaad u noqdo uu isaga laf ahaantiisu abuuray, madaxna ka yahay halka guddoomiyayaasha urur siyaasadeedyada kale ee la midka ahi dibadda ka taagan yihiin baarlamanka.
Haddaba xaqiiqadu waxay tahay afar xisbi, ama urur-ba ku sheegoo, ayaa maanta xildhibaanadoodu dhex fadhiyaan baarlamanka. Dabcan ururka WADDANI joogitaankiisu waa ku dheeraad golaha wakiilada waana xaaraan in xildhibaano ku biiray WADDANI ay dhex fadhiistaan golaha ama xataa ay ka muuqdaan golaha dhexdiisa waayo WADDANI kama mid ah saddexda xisbi ee shacabku soo doortay. Xildhibaanada ku biiray WADDANI waxa uu waajibkoodu ahaa in golaha ay ka baxaan oo taladiisa iyo go’aamadiisana aanay midna wax ku yeelan. Haddiise ay doonayaan in xisbi kale ay ku biiraan oo golaha inay sii dhex fadhiyaanna uu damac ka hayo waxay ahayd in saddexdii xisbi ee la yaqaanay ay ku kala biiraan. Sida cad, xildhibaanada WADDANI waxay si toos ah ugu lugu leeyihiin talada iyo go’aamada sharciyada goluhu soo gooyo ee waddanka lagaga dhaqmo, kuuwaasoo saamayn toos ahna ku leh urur siyaasadeedyada kale ee la baratamaya WADDANI.
Maadaama ay xildhibaanada ururka WADDANI ay talada golaha sharci dejinta ay dhex fadhiyaan, xoogna ku leeyihiin golaha, waxay awood u leeyihiin iyagoo la kaashanaya xildhibaanada kale ee la jaalka ah in sharciyada doorashooyinka ku saabsan kolba loo dhigo sidii ay dantu ugu jirto WADDANI iyo kuwa la mid ah waayo ururada kale fursaddaas oo kale ma haystaan. Tusaale ahaan, markii uu guddoomiye Cirro sameeyey ururka WADDANI wuxuu soo dhigay sharci odhanya xildhibaanku wuxuu xaq u leeyahay inuu ku biiro xisbiga uu doono, dowladdana wuxuu u oggolaaday in haddii uu xisbiga KULMIYE saaxadda siyaasadda ka baxo in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku ay xisbiga ay doonaan ay ku biiri karaan taas oo run ahaantii ahayd sharci darradii ugu weynayd ee baarlamankani ansixiyo. Baarlamanku wuxuu waxba kama jiraan ka soo qaaday (null and void) awooddii shacabku (people’s mandate) siiyeen xisbiga KULMIYE ee shanta sano ahayd.
Haddaba, go’aanka ah in xisbigii la doono lagu biiro, wuxuu dhalan rog iyo khalkhalba geliyey qaabkii golaha sharci dejinta loo fadhiyey. Go’aan kasta oo la xidhiidha xeerka doorashooyinka iyo urur siyaasadeedyada oo uu golaha wakiiladu ansixinayo waa inuu noqdaa mid ka tarjumaya danaha ururka WADDANI sida ay horeba u dhacday waayo waa urur meesha la fadhiya xisbiyadii la soo doortay.
Taa micnaheedu waxa weeye sharciyo urur siyaasadeedyada saamayn ku leh oo ansixitiisa ay lug ku lahaayeen xildhibaanada WADDANI ayaa lagu socodsiinaya oo ay tahay inay ku dhaqmaan ururada kale ee ay siman yihiin WADDANI.Haddii si kale loo dhigo Ciroo wuxuu leeyahay sharciga anigaa samaysanaya sida ay danta xisbigauga WADDANI ku jirto, adiguna waa inaad ila baratantantaa oo aad waliba ku dhaqantaa sharcigayga.
Taasi waxay meesha ka saartay caddaaladii iyo sinnaantii ururada. Guddoomiyayaasha urur siyaasadeedyada iyo guddoomiyaha ururka WADDANI uma sinna golaha wakiilada. Waxa uu Cirro ka fulin karo golaha gudihiisa kama fulin karaan ururada kale ee dibadda ka ah golaha wakiilada. Kulamada uu geli karana, ururada kale ma geli karaan. Tusaale ahaan, markii ay dhawaan Hargeysa yimaadeen wefdiga qaadhaan bixiyayaasha ee reer Yurub ee ay ka hadlayeen arrimaha ururada, ururka WADDANI wakiil baa ka fadhiyey oo ah Cabdillaahi Cirro halka aanay ururada kale fursaddaas oo kale aanay haysan waayo guddoomiyuhu wuxuu shirka ku fadhiyaa laba koofiyadood oo kala ah koofiyaddii WADDANI iyo koofiyaddii guddoomiyaha golaha wakiilada.
Guddoomiyuhu isagoo isticmaalaya magaca golaha wakiilada ayaa wuxuu la kulmaa dhammaan hay’adaha ku shaqo leh doorashooyinka, wuxuu la kulmi karaa waddamo uu taageero dhaqaale uga doonan karo ururkiisa sida Jabuuti oo kale isagoo labadiisa koofiyadood isticmaalaya.
Marka la isku soo xooriyo, Cirro wuxuu gaadhi karaa meelo aanay ururada kale oo dhami aanay gaadhi karin xataa marka xisbul xaakimka lagu daro waxaana taas u saamaxaysa labada mansab ee uu isku hayo. Isagoo isticmaalaya magaca gudoomiyanimada ee golaha wakiilada wuxuu is-beddel iyo kaabis ku samayn karaa sharciga doorashooyinka isagoo ku dabaqaya sida ururkiisa u dan ah, wuxuu rugahooda ku booqan karaa amaba la fadhiisan karaa madaxda sar-sare ee deeq bixiyayaasha geedi socodka doorashooyinka oo uu kala doodi karo wixii uu u arko in dhinaca ururkiisa aanay dani ugu jirin, wuxuu istcimaali karaa sanduuqa baarlamanka uu u adeegsan karo danaha ururkiisa isagoo xildhibaanada maalinba dhaameel ruxaya si aanay ugu sayixin, wuxuu waqtigii uu ku bixin lahaa socodsiinta hawl-maalmeedka golaha wakiilada uu adeegsan karaa inuu ugu ololeeyo ururkiisa sida haatanba uu sameeyo. Markii uu baarlamanka Yurub ka hadlayey ee Brussels wuxuu u ololaynayey WADDANI isagoo hawl qaran u jooga goobtaas, wuxuu gaadiidkii uu ummadda ugu shaqayn lahaa ku fushanayaa danaha gaar ahaaneed ee ururkiisa. Wuxuu markuu doono la kulmi karaa madaxweynaha isagoo isticmaalaya jagadiisa, wuxuuna heshiis doceedyo la geli karaa madaxda dowladda iyadoo wax la is-weydaarsanayo oo uu leeyahay i-badhi-taar anna ku badhi-taaree.
Arrimahaas oo dhami waa qaar meel ka dhac ku ah anshaxa iyo habdhaqanka lagu yaqaano guddoomiyayaasha baarlamaanada caalamka. Arrimahaas oo dhami waa qaar u xaglinaya WADDANI loona arko inay dowladdu ururkan uga hiilinayso, kana soo dhaweysanayso ururada kale.
Cabdiraxmaan Cirro wuxuu dabcan doonayaa inuu labada jagaba isku haysto illaa immikana waxaad moodaa in xaalkiisu yahay beerka jecli, xaydha jecli. Waxay u muuqataa, in haddii aanay dowladdu si toos ah tooshka ugu ifin, inuu damacsan yahay in marka uu sida gafanaha ka soo go’o baarlamanka ee awrkiisa uu ku kacsado uu wareejiyo jagada gudoomiyanimada golaha wakiilada. Xaalkiisu waxa weeye hadii uu ururkaygu soo baxo, xilka baarlamanka waan wareejinayaa, haddii kalena jagadayda ayaan haysanayaa.
Waxaynu ognahay oo dowladdan hore u soo food saaray buuq fara badan iyo eedaymo kaga yimi ururadii wareegga koowaad ee tartanka ku hadhay. Ururadaasi, markii hore oo dhan wax diidmo ah iyo wax hadal ah toonna kama ay keenin xubnahaha guddiga diiwaan gelinta ururada ee la soo xulay iyo habka loo soo xulaytoona isla mar ahaantaana wax diidmo ah kama ay keenin shuruudaha iyo sharciga lagu kala saarayo laakiinse markii ay hadheen ayaa mid waliba toorrey laba afley ah ula soo baxay dowladda iyo guddiga diiwaangelinta. Ma aha ged cusub oo aynu la soo baxnay ee waa wax aynu, xagga siyaasadda, caado u lahaan jirnay weligeenba. Marka hore sida yaxaaska il isku qabo oo u khuuri, marka dambe ee ay xaaladdu kugu xumaatana, ilko seef ah, oo dhinac walba wax u jaraya la soo bax. Immika ayaa loo baahanyahay in qaladkaas laga hortago, hadhowto yaan ururada hadal laga maqlin. Ama afeef hore lahow baa la yidhi, ama adkaysi dambe.
Cirro wuxuu had iyo jeer ku doodaa madaxweynii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal (Allah ha u naxariistee) inuu isba madaxweynanimada iyo xisbiga UDUB isku haystay. Dooddaasi waa mid qaldan waayo waa marka koowaade: Cigaal isaga ayaa bilaabay dhisidda axsaabta oo waa halkay wax ka soo unkameen, midda labaad, Cigaal madaxweyne la doortay ayuu ahaa inkastoo habka loo doortay uu ka duwanaa nidaamka faranjiga ee sanduuqa warqadda lagu rido. Habka lagu soo doortay isaga waxa la yidhaadaa Dimuqraadiyadda Tooska ah (Direct Democracy) ee gacan tag lagu codeeyo waxaana weli lagaga dhaqamaa Switzerland. Cirro isagu madaxweyne ma aha ee waa guddoomiye baarlaman. Isaga waxa iska soo dhex xulay xildhibaanadii golaha wakiilada oo yidhi dhexdhexaad noo noqo adigu. Dhexdhexaadnimadiisina waxa noqotay in xisbiyadii golaha fadhiyey ee uu dhexdhexaadka u noqon lahaa uu xisbi cusub oo ka soo horjeeda kuwooda uu samaysto, golahana la dhex fadhiisto.
Haddii Cirro isaga oo aan ururkiisu weli u gudbin heer xisbi, isaguna aanu weli noqon madaxweyne, uu immika u badheedhayo inuu sidan qaldan ee qaawan u dhaqmo, marka uu kursiga madaxweynaha ku fadhiisto siduu u dhaqmi doono? Su’aashan jawaabteedu waxay u taallaa akhristaha.
Madaxweynuhu madaxdii xisbigiisa KULMIYE ee la soo jabtay wuxuu si cad ugu sheegay markuu doorashada ku guulaystay inay kala doortaan inay ama dowladda ka qayb galaan ama iska casilaan xilalka ay xisbiga u hayaan. Madaxdii xisbigu waxay doorteen inay xisbiga ku hadhaan. Haddii uu Muuse Biixi maanta dowladda wasiir ka ahaan lahaa iyadoo doorasho la gelayo, isla mar ahaantaana, uu xisbiga KULMIYE guddoomiye ka ahaan lahaa cirka iyo dhulka ayaa cadhadhaqdu isqabsan lahayd.
Haddaba haddii uu madaxweynuhu kuwii la soo halgamay si cad ugu sheegay inaanay laba xil isku hayn karin muxuu ugu sheegi kari waayey Cirro inay qaldantahay inuu laba xil isku hayo?Inkastoo baarlamanku ka madax bannaan yahay laanta fulinta haddana labada dhinac waxbay isku shushubtaan, waxna way isu sheegi karaan. Haddii uu talada diido, waajibka dowladdu waxa weeye inay iska-barraxdo arrintaas inaanay lugu ku lahayn oo mawqifkeeda saxaafadda u caddeyso.
Dowlladda hadal lagama hayo, balse maxaa 82kii xildhibaan ee la soo doortay iyagana afkooda qidhim ka siiyay oo ay la hadli la’ yihiin uguna dhici la’ yihiin inay guddoomiyahooda qaladkiisa u tilmaamaan? Ma dhaameelbaa loo ruxay? Mise waraabayaal uur-ku-jirta laga saaray ayaa loo aasay oo way si-kalaysan-yihiin? Haddii uu xildhibaan Rayte ka fayo-qabo baarlamankii aynu naqaanay oo uu maanta qirtay in xildhibaanadii la doortay ay hawshoodii gabeen iyaduba waa Ilaahay mahaddii.
Wasiirkii hore ee gudaha, Maxamed Cabdi Gaboose, wuxuu xilka ummadda iska warejiyey markuu samaystay xisbiga UMMADDA waayo wuu ogyahay inay qaldanatahay isla mar ahaantaana aanay u suuragalayn inuu labada jago isku haysto.
Shacabku waxay u arkaan in arrintani ay tahay mid qaldan oo caddaalad darro ku ah ururada siyaasadda ee tartanka la galaya WADDANI, waxay u arkaan in dowladdu u xaglinayso WADDANI oo ay qaladaadka guddoomiyaha indhaha ka dadbayso. Waxa kale oo ay arrintani meel ka dhac iyo ceeb ku tahay ku tahay xildhibaanada golaha sharci dejinta ee oggolaaday in guddoomiyahoodu laba koofiyadood oo lid isku ah kula soo fadhiisto golaha.
Dowladdan waxa ka maqan ku-dhac ama go’aan qaadasho geesinimo leh oo ku salaysan xaqa. Dowladdu ha ku dhiirato xaqa iyo caddaaladda oo marka qaladkeeda loo sheego wax ha ku qaadato ee yaanu xaalkeedu noqon: Habar baa iska haw-haw leh ee heelada inoo tuma.
Jamal Madaradammadar@yahoo.com
Comments are closed.