Hargeysa(Geeska):-Xoghayaha qorsheynta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali(Riyo-raac), ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka dhalatay qaxoonti Soomaali ah oo ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman, waxaana uu tilmaamay in taariikhda aduunka ay markii ugu horeysay tahay oo qaxoonti lagu kala saaro midab, diin iyo jinsad, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in xukuumada Siilaanyo ay meel kaga dhacday milgihii iyo sharaftii ay lahayd dawlada Somaliland.
Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali(Riyo-raac), ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray kaas oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu u dhignaa sida tan: “Xukuumaddda Somaliland waxay ku fashilantay nadaamkii ,haykalkii iyo illaalintii karaamadii shacabka Somaliland, waxay meel kaga dhacday milgihii dawladnimo iyo xuquuqdii qaxoontiga, waxaanay caalamka u muujisay aqoondarada iyo maamul xumada ku habsatay xukuumadda Kulmiye. Waxay ceeb ku samaysay ummadda Somaliland ku kasbatay kala saarista qaxoontiga ka soo qaxay Yemen oo sida hargaha loo kala guray waafi iyo naaqis, oo sababtay dheg-xumo iyo muran siyaasadeed oo ah min dakhala malaa yacnii laqi malaa yurdii. Tariikhda waa kow qaxoonti midab, diin, iyo jinsiyad lagu kala saaro iyaga oo dhibaato isku mida ay ka soo wada qaxay. Qarannimadda iyo karaamada dawladnimo waa in Go’aanka masiirka ummadda taabanaya aan lagu degdegin, hadii lagu deg degana lagu adkaysto lakiin waxaa nasiib daro ah xukuumad 24 sacadood soo saartay Go,aamo is burinaya oo aanay jirin cid xilkii iska casishay iyo cid xilka qaadis lagu sameeyey midna. Waxaanu ummadda jilicsan ee dhibaatada ka soo qaxay ka raali gelinayaa xad gudubka lagula kacay waxaanu leenahay arrintanu maaha dhaqankii iyo marti gelintii shacabka somaliland ee waa nasiib daro maamul ee raali buuxda ka ahaad tacadiga iyo jawrfalka.”.
a