Tanaasulka Madaxweyne Siilaanyo Ma Lala Masayn Muddo Xilleedkii Mandela?

0
497

Picture6Somaliland waxa ay qaadatay nidaam dowladnimo oo ku dhisan hannaanka dimuqraadiga loo yaaqaanno, kaas oo inta la og yahay ku isir leh habkii ismaamul ee ay curiyeen Girigiiggii hore. Waxa ugu caansan ee ku jira habkanina waa in hoggaamiyaha umadda u talinayaa uu kursiga ku yimaaddo doonista iyo doorashada dadka.

In kasta oo aanu nidaamkani ku dhamaystirmayn in doorasho lagu yimaaddo kuraasta ugu sarraysa dowladda, marar badanna ay taas kaba mudanaan karto hirgelinta maamul-wanaagga, talow-wadaagga iyo horumarku, haddana waa daw in dad badani ay u riyaaqaan ugu yaraan in aynu marnay nidaamkaas sanduuqa lagu kala baxayo, waxase aan la difiri karin in uu nidaamkeennan ay ku dhereran yihiin gaabis dhinac walba ah oo ay bulshadu ku saluugsan tahay musuq-maasuqa, amniga aan adkayn, maamul-xumada, horumar la’aanta iyo dhammaan wixii dowladi ummaddeeda u qaban jirtay oo in badan si badheedh ah looga gaabiyey ama dadaalka ugu yar la geliyo, halkii ay ka ahayd in ay la’ koraan nidaamka dowladnimo ee aynu qaadannay.

Dastuurka Somaliland oo madaxweyne Cigaal (AHUN) ku sheegay in uu yahay nuqul ka mid ah dastuurka Maraykanka, ayaa dhigaya in hab-doorasho oo dimuqraaddi ah talada ay ku qabtaan madaxda dalka hoggaaminaysaa, sida ay dunida habkan raacdaa u badan tahayna laba xilli oo midkiiba Shan sano yahay ayaa uu dastuurkeennu u ogolaanayaa muwaadinku in uu xilka madaxweynenimo qaban karo.

Faa’idada ku jirta xakamaynta xilli-xileed:

Fikirka ah in la xaddido muddada uu qofku xilka dowladeed hayn karo qudheeduna waxa ay ka soo jeeddaa Giriiggii hore ee xilalka muhiimka ah u sameeyey muddo go’an oo marka uu dhamaysto masuulku uu ku qasbanaado in uu dib ugu soo noqdo dadkii ammaanada lahaa, si uu mar kale kalsooni u weydiisto si uu u sii wado ama uga dego. Intaasna kuma koobna ee haddana waxaa qasab ah in masuulku uu xilkan hayo xilliyo xaddidan oo xitaa haddii ay muwaadiniinta qaar jeclaan lahaayeen in ay ku sii fadhiyaan kursiga aanu sharcigu u fasaxayn in is sharraxaad dambe.

Waa ay jiraan dad qaba in habkani uu dhinaca kalana ka dhaawacayo xaqii muwaadinku u lahaa in uu doorto qofka uu doono inta jeer ee uu doono, sidoo kalana ay jirto doodda ah in hoggaamiye kastaa uu xaq u leeyahay in inta  uu haysto kalsoonida dadkiisa uu ku fadhiyo kursiga, haddana waxa aan marnaba la deedifayn karin muhiimadda ay leedahay in kursiga qaranka laga ilaaliyo in muwaadin uun uu ka dhigto shaqo madaxaa ha ku furto uu ku joogo, sidii oo uu uga mudan yahay muwaadiniinta kale ee tirada badan ama ay tahay xirfad uu keligii yaqaanno. Aqoonyahanno badan oo caalamiya ayaana ku taliya in xitaa muddo xileedka golayaasha kale ee doorashada ku yimaadda la xaddido, sida baarlamaannada iyo golayaasha deegaanka, iwm oo tusaale ahaan xildhibaanku aanu isa soo sharraxin laba jeer wax ka badan.

Muhiimadda xaddidista xilli-xileedka madaxda qaranka oo aan si toos ah u khusayn ujeedka qormadan waxa aynu ku soo ururinaynaa hal-ku-dheg laga reebay madaxweynihii Labaad ee Maraykanka John Adams oo ahaa  “Haddii aan waqtiga la xakamayn nin kastaa oo talada loo dhiibaa waxa uu noqonayaa dugaag gaajaysan”

Fikirka labada xilli:

Fikirka ah in madaxweyne ama hoggaamiye kasta oo dal u talinayaa uu laba xilli uun talada qabtaa cidaha ay ku isir leedahay waxaa ka mid ah Faylasuufkii weynaa ee Aristotle oo cilmiga siyaasadda iyo dowladnimada waxa badan ku darsadaya. Waxa aanu qabay in ay tahay sida keliya ee taladu ku noqon karto mid muwaadiniintu ku kaltamaan. Benjamin Franklin oo ahaa saynisyahan, qoraa iyo siyaasi ka mid ahaa aas-aasayaashii Jamhuuriyadda Maraykan ayaa isna aragtidan qabay oo weliba ku talinayey in aan hoggaamiyaha lagu koobin ee sidoo kale la xaddido muddo xileedka masuul kasta oo qabanaay xafiis dawladeed oo doorasho lagu yimaaddo.

Waa lagu kala duwanaan karaa muddada uu halkii xilli noqonayo, imika dunidu waxa ay u badan tahay Afar sano, Shan sano, Lix Sano iyo Toddoba sano xilligiiba. Waxaana jirta aragti ah in xilka ugu sarreeya qaran, hawsha iyo culayska badan ee uu leeyahay awgeed ay adag tahayba in qofku uu hayo in ka badan 20 sano, marka laga eego firfircoonida iyo awoodda hal-abuur ee maskaxda iyo kartida jidheed labadaba.

Sida aad loo fahmi karo, Afar ama Shan sano kuma filna in qorshayaal la dejiyey laga midho dhaliyo, haddii aanay ahayn kuwo muddo gaaban ah, sidaa awgeed maadaama oo madaxweynaha ama hoggaamiyaha dalku uu yahay qofka laga filayo in qorshayaashii cusbaa ee lagu doortay ay ka imanayeen maskaxdiisa iyo ta dadka ku xeeran ee uu isagu miirayo, qorshayaashaasina ay yihiin kuwo miisaan leh oo taabanaya ganacsiga, arrimaha bulshada, diblumaasiyadda, aminga iyo difaaca, siyaasadda iyo dhinac kasta oo dowladnimada ka mid ah ama si kooban masiirka dadka iyo dalkaba, ay qasab noqonayso in hoggaamiyahaas la siiyo waqti ay isaga iyo xisbigiisa ama gacanyarayaashiisu ka midho dhalin karaan qorshahaas, haddii kale ku fashilmi karaan.

Maamule kasta oo qorshe iyo istaraatijiyad maamul oo cad lihina waxa uu u baahan yahay waqti ku filan ka midho dhalintooda oo dabcan uu maqaalkani ku doodayo in Afar ama Shan sano aanay ku filnayn, balse ay yihiin waqti dib-u-eegis iyo qiimayn lagu samayn karo halka la marayo iyo inta uu le’eg yahay jidka himiladii ka hadhay. Taas oo lagu xidhiidhin karo sababta keentay in hoggaamiye kasta la siiyo muddo xileedka Tobanka sano ku dhow ama in yar ka badan.

Waxa aynu intaas ku ladhi karnaa xaqiiqada ah in hoggaamintu ay qurux badnaan karto, tubteeda ku habboona mari karto uun marka hoggaamiyuhu uu ogyahay duruufaha ku xeeran dadka uu u talinayo, sida ay maskaxdoodu u fikirayso, waayaha nololeed ee dhan walba kaga xeeran, iyo sidoo kale la jaanqaadista dunida kale, taasina waxa ay iman kartaa marka hoggaamiyihu uu maamulayo jiilkiisa iyo ugu badnaan jiilka xiga oo ah kuwa da’diisu dhashay, haddiise loo sii gudbo faca saddexaad ee uu awoowga u noqonayo oo uu weliba facaasi noqdo gaashaan-qaad, aayihiisa ka tashan kara, taasi waxa ay keeni kartaa isfahmi waa badan, jaahwareer maamul iyo in hoggaamiyaha ay ka qasanto sida ku habboon iyo habka ay dadkani doonayaan in loo maamulo, maadaama oo ay ka aqoon duwan yihiin, kana duruufo, faham iyo fiiro duwan yihiin. La soco…