Tallo Ku Socota Dawladda Iyo Shacabka

0
600

W/Q: Maxamed Cabdi Haybe

Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Ilaahay subxaana watacaalaa ,marka xiga waxaan mahadnaqayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sida wanaagsan ee ay ugu dedaalayso ugana howlgalayso marxaladda adag ee aynu maanta ku jirno iyadoo adduunku uu maanta la tacaalayo xanuunka halista ah ee COVID -19, sidoo kale waxaan fariin halkan uga dirayaa shacabwaynaha Somaliland inay u dhaga nuglaadaan xukuumadda lana shaqeeyaan oo ay ka digtoonaadaan isu imaan shaha aan la ogolayn iyo sidoo kale inay qaataan talooyinka gudiga qaran ee ka hortagga xanuunka. Sida aynu ognahay xanuunkani waa mid halis oo adduunkii ku wareeray sidii loo dawayn lahaa ama loogu heli lahaa talaal.

Waxaan jeclaan lahaa in shacabku ay iska dhaafaan khuraafaadka ay isugu sheekaynayaan ,

Waxa kale oo jirta in dadka maanta xanuuunka laga helay ay ka badan yihiin dadka aan la ogayn ha ahaato baadhid la aan ama iyaga oo qarasanaya intay ka baxsanayaan quarantineka waxa ay dhibaatadu soo gaadhaysaa eheladii caruurtii jaarkii iyo dhammaan dadkii fayoobaa ,xanuunkana sida la inoo sheegay si fudud ayaa lagu kala qaadi karaa .

Sidaa awgeed waxaan idinkula talinayaa inaad feejignaataan oo aad taxadar dheeraad ah samaysaan .

Imikana waxaan jeclaan lahaa inaan qodobo  talobixina aan la wadaago xukuumaddeena

In waxyaalaha mucaawinooyinka la inoo siiyo in degdeg ah dadka u baahan loo gaadhsiiyo

Maadaama qalabkasi suuqa ku yaalo qiimo sare  oo aanay iibsan karayn dadkii danyarta haa

Waxaa kale oon jeclaan lahaa in bacadlaha halkii laga kala eryi lahaa in meelo gaara oo la kantrooli karo dawladduna gacanta ku hayso laga sameeyo xaafad walba maadaama dadka ka shaqaystaa ay danyar u badan yihiin .

In dadka ku jira qurantineka xaaladooda hoos loo eego oo aan kuwa liita iyo kuwa ladan meel lagu wada xarayn

In macallimiinta private iyo dawli ba isku si loogu naxariisto ,waayo macalinku dakhli ahaan wuxuu ku tiirsanaa ardayda  oo ay ku biishanayeen caruurtooda kirooyinka guryaha iyo sidoo kale noloshooda kaleba , sidaa dardaadeed mar haddii xanuunku uu aad u saameeyey noloshoodii waxa xukuumadda la gudboon in ay isku xilqaanto daryeelkooda iyadoo aan kala saarayn. Macallimiintu waxay ku jiraan kaalintii waalidnimo.

Arinka qaadka waxaaj jeclaan lahaa in haddii la joojinayo laga yeesho siyaasad cad ,tusaale barigii dhawayd ee la joojiyey waxa ka dhashay dhibaatooyin badan sida in wadooyin cusub uu samaysto ,gawaadhi cusub oon lagu aqoon lagu qaaday in meelo aan lagu iibin jirin lagu iibiyey.

Sidaa daradeed waxaan ku talin lahaa in jaadkii sidaa si ka duwan loo kaantaroolo iyadoo loo samaynayo meelo gaara  oo lagu iibyo iyo waqtiyo gaara oo la soo galiyo magaalooyinka

Iyadoo la mamnuucayo in meelaha dadwaynaha (publics) lagu cuno lana ogolaado in guryaha iyo goobo xadidan lagu cuni karo.

6.waxaan jeclaan lahaa in dawladdu ay hoos u eegto dadka maskaxda ka xanuunsanaya ,dadka waayeelka  ah iyo darbi jiifka ah ee aan haysan daryeel hoy, mid caafimaad iyo mid cuntaba

Marka koowaad : dadka maskaxda ka xanuunsanay

Waa in laga soo qaado meelaha ay ku dayacyahiin sida gidaarada ,jidadka suuqayada iwm.

Iyadoo lagaynayo goobaha munaasabka ah oo ka helayaan dawayn, raashi iyo jiifba.

Marka labaad:waayeelka jilicsan ee aan cidna haysan

Waxaan jeclaan lahaa in dawladdu xilwayn iska saarto sidii ay ugu samayn lahayd meelo lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah ee aan cidna haysan, waxaan in hay adaha faraha badan ee dalkeena jooga hadii lala kaashado in mucaamimo badan laga helayo waliba waayeelka oo kaliya maahee dhamman dadka xanuuunsanay iyo darbi jiifka intaba.

Marka saddexaad: caruurta darbi jiifka ah

aragtidayda ku saabsan caruurta jiifka ah hadii la daryeelo waxa ka dhalanay in ay noqon karaan jaamiciyiin (sida doctors,engineers lawyers iyo iwm) ,farsamo yaqaano(sida mechanics, plumbers ,nijaro iwm) iyo ciidamada kala duwan (sida military,police navy,firefighters,ambulance team iwm).

Sidaa awgeed caruurtaa waa in lagu daryeelo meelo ku haboon  sida meelo ay ka helikaraan jiif, cunto, daawo iyo waxbarasho

Fiiro gaara

Maqaalkan oo aan ugu talo galay mahadnaq,talo iyo tusaalayn igama aha canaan, wiirsi iyo fadeexad  midna ee waxan uga dan leeyahay inaan ku bararujiyo cidkasta oo ay khusayso ama wax ka qaban karta qodobada aan soo sheegay.

Aad baad u mahadsatihiin:

MAXAMED CABDI HAYBE MAXAMED

HARGEISA, SOMALILNAD