Qabsashadii Mexico iyo qaabka xiisaha leh ee uu Maraykanku kula wareegay Hawaii…Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali … Q:2aad
3. Qabsashadii Dhulka Mexico:
Dalka Mexico oo Maraykanku uu xad kala leeyahay dhinaca Koonfureed, ayaa markii uu gobonnimada qaatay oo ahayd sannadkii 1821kii, waxa uu helay dhul aad u ballaadhan oo Isbayn ay marka hore ka talinaysay, waxa aanu noqotay dal xuduudkiisu uu soo gaadhsiisnaa illaa gobollada imika loo yaqaanno Texas iyo Woqooyiga California ee dalka Maraykanka.
Laakiin waxaa dhulkan aad u soo degey dad u badna hadhaagii gumaystaha Ingiriis iyo Maraykan oo afkoodu Ingiriisi ahaa, si xawli ah ayaa ay u kordheen soo degeyey dhulkan asal ahaan Mexico ahaa, illaa ay gaadhay in horraantii sannadkii 1829kii dadka Afingiriisiga ku hadlayey ee dhulkan degey ay ka tiro bateen kuwii ku hadli jiray Afka Isbaanishka ee deegaanka u lahaa gobolka Texas ee Mexico ka tirsanaa. Arrintaas waxaa ka dhashay in dadka afkingiriisiga ku hadlayey ay sannadkii 1935kii ku kacaan kacdoon. Inkasta oo uu kacdoonkaasi ahaa mid kooban, haddana aakhirkii waxa uu sabab u noqday dagaal xorriyad doon ah oo ay ku kaceen dadka Mexico.
Nasiib darro dagaalkii waxaa ku guulaystay dadkii dhulka soo degey waxa aanay aas-aaseen jamhuuriyad u gaar ah oo lagu magacaabo Texas, toban sano kadib oo ahayd 1845kiina jamhuuriyaddii Texas waxa ay ku dareen dalka ay isku afka ahaayeen ee Maraykanka.
In gobalka Taxes ee dadka reer Mexico laga boobay lagu daro Maraykanku sooma ay afjarin murankii u dhexeeyey labada dhinac, waxaana sii socday colaaddii iyo khilaafkii dhinaca xuduudka ahaa ee Maraykanka iyo Mexico ay isku mari la’aayeen xuduudka Texas. Sannadkii 1846kii waxaa gobolka Taxes ka qarxay dagaal u dhexeeyey dalka Maraykanka ee gobolkan lagu daray iyo dalka Mexico oo lahaanshiyaha hore ee gobolka sheeganayey, waxa aanu dagaalkaasi ku dhammaaday in Maraykanku ku gacan-sarreeyo oo inta uu isku hubsado gobolkii la isku haystay ee Taxes uu hore ugu sii socdo gudaha dalka Mexico dhul aad u badan oo cusubna ka qabsado.
Dhulka dheeraadka ah ee uu Maraykanku dagaalkaas Mexico kaga qabsaday waxaa ka mid ahaa magaalada Mexico qudheeda, iyo sidoo kale saddex meelood meel gobolka Mexico ah. Waxaa ka mid ahaa dhulka hadda lagu magacaabo gobolka California ee dalka Maraykanka iyo sidoo kale gobollada Utah, Nevada, Arizona, New Mexico iyo Texas oo aynu hore u soo xusnay.
4. Waxa uu doortay in uu noqdo Imbaradooriyad quwad leh oo la mid ah tii Yurub:
Haddii uu jiri lahaa ilbidhiqsi keliya oo la odhan karo waa kii uu Maraykan quwadda dunida ku noqday, waxa uu noqon lahaa dagaalkii uu la galay Isbayn. Sannadkii 1898kii ayaa kooxihii gobannimo doonka ahaa ee dalka Kuuba waxa ay bilaabeen dagaal ay doonayaan in ay kaga xoroobaan dalka Isbayn. Dalka Maraykanka ayaa markiiba qaatay siyaasad cad oo uu ku taageerayo kooxahan gobonnimo doonka ah. Waxa aanu dagaalkaasi ku dhammaaday jabkii weynaa ee la gaadhsiiyey Isbayn.
Inkasta oo uu Maraykan qaatay siyaasadda ah in uu noqdo Imbaraadooriyad awood badan oo la mid ah tii Yurub, haddana gudihiisa waxaa ka jiray mucaaradad ay dadkiisa qaarkood ku diiddan yihiin arrintaas, sidaa awgeed markii ay kooxihii gobonnimo doonka ee Maraykanku taageerayey Jebiyeen Isbayn, waxaa Maraykanka gudihiisa ka bilowday muran la xidhiidha sida laga yeelayo dalkan cusub ee Kuuba. Dad badan oo Maraykan ah ayaa diiddanaa in dawladdoodu ay xoog ku qabsato Kuuba, laakiin waxaa xoog batay fikirkii kaa ka soo horjeeday ee ahaa in dalka Kuuba aan la qabsan, balse haddana la hoos keeno Imbaraadooriyadda Maraykan.
Saldhigga Maraykanku uu ku leeyahay gacanka Guantanamo ee dalka Kuuba ayaana ka mid ah raaradka ka hadhay taladaas Maraykanku ku maamulay dalka Kuuba.
Maraykanku kuma uu koobnaan Kuuba oo keliya ee waxa uu sidoo kale xoog ku qabsaday saddex meelood oo kale oo uu Isbayn ka eryaday, waxa ay kala ahaayeen, Puerto Rico oo ah jasiirad leh maamul hoosaad u gaar ah, balse illaa maanta hoos tagta dalka Maraykanka, waxa kale oo ka mid ahaa jasiiradda Guam oo illaa imika ka mid ah dhulka Maraykanka iyo dalka Filibiin oo ah jasiirad aad u weyn oo ku taalla badweynta deggen, dadkeeduna aad u badan yihiin, laakiin hadda ah dal madax bannaan.
Markaas ayaa uu Maraykan noqday Imbaraadooriyad awood leh oo u dhiganta kuwii reer Yurub. In kasta oo aanu Maraykanku ku sii socon siyaasaddaa ahayd in uu gumayste noqdo, kadib markii dalka gudihiisa ay ka kacday mucaaradad xooggan oo ay dad badani ku diiddan yihiin tallaabadaas, haddana muddadaas gaaban ee uu u shaqaynayey qaabka Imbaraadooriyadda waxa uu ku kasbaday in Maraykan loo arko in uu yahay quwad weyn oo caalamiya.
5. Gumaysigii badweyne Baasifigga iyo boobkii Hawaii:
Muddadaas gaaban ee uu Maraykanku sameeyey dhul ballaadhsiga iyo in uu u dhaqmo qaabkii gumaystayaashii reer Yurub, waxa uu xooggiisa ugu badan isugu geeyey dhinaca badweynta deggen ee Baasifigga loo yaqaanno, waxa aanu qabsashadiisa ka bilaabay jasiiradaha Hawaii oo xilligaas ahayd qaran dhisan oo madax bannaan, balse Maraykanku uu xoog ugu soo daray dhulkiisa maantana ah gobolka Maraykanka ka mid ah ee Hawaii.
Waxaa xiise gaar ah leh qaabka uu Maraykanu u qabsaday jasiiradaha Hawaii; Ganacsato u dhalatay dalka Maraykanka oo hawlo baayacmushtar jasiiradaha Hawaii ula xidhiidhi jiray ayaa aakhirkii ku xididaystay oo sannadkii 1893kii ku kacay afgembi ay xoog kula wareegeen dalkii Hawaii. Kadib waxa ay dawladdooda Maraykan ka codsadeen in ay ku soo gaadho dhulkan oo ay la wareegto laguna daro Maraykanka.
Madaxweynihii 22aad ee Maraykanka Stephen Grover Cleveland ee xilligaas talada hayey kana soo jeeday Dimuqraaddiyiintat ayaa si adag u diiday fikirkaas ahaa in ummad dhisan oo dawladnimadeeda u madax-bannaanayd uu Maraykanku la wareego, laakiin markii xilkiisii uu dhammaaday ayaa madaxweyne William McKinley oo isagu Jamhuuriga ka socday uu ogolaaday in jasiiradahaas ganacsatada Maraykan qabsadeen ee Hawaii lagu soo daro dalka Maraykanka. La soco…