Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Taliyaha Socdaalka Dalka Somaliya

0
584

Picture4Hargeysa (Geeska)-Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro),ayaa  ka hadlay Basabaaro lagu qabtay Magaalada Muqdisho, oo la sheegay in Hargeysa loo soo waday, waxaanu tilmaamay inay Somaliland leedahay Basaboor u gaar ah, una baahnayn Basaboorka Somaliya.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay Somaliland tahay dalka Madax banaan oo aan hoos tagin Somaliya,horumar aad u balaadhan ay ku talaabsatay, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Basaboorada Muqdsiho lagu qabtay ee la yidhi waxa loo soo waday Hargaysa, garan maayo sabab loogu soo waday, maxa yeelay Somaliya waa dal, Somaliland waa dal wax iskaga jiraana ma jiro, waxaana u arkaa Basaboorka Somaliya inuu yahay Saanbuuse laga eedamay, maxa yeelay Somaliland hadda waxa ay leedahay Basaboor u gooniya, oo E Basaboor la yidhaahdo, waxaana Xarunta lagu bixin doono Basaboorkan casriga Maanta (Shalay) xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) waxaanu Basaboorkan oo casri ahi uu muujinaya qaranimadeeda iyo inaynu nahay dal   madax banaan, oo aan u baahnayn Basaboorka Somaliya, waxaana Basaboorkan lagu tagi karaa ilaa iyo 26-dal”. Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland iyo Somaliland waxa ay markii hore ahaayeen laba Wadan oo isku tagay, haddana kala noqday, oo markii dhibaatooyin iyo tacadiyo badan loo geystay dadkeenii ayeynu go’aan ku gaadhnay inay dib ula soo laabano xoriyadeenii aynu hore iskaga luminay, Maanta waxa wax ILLAAHAY SWT loogu shugri noqo ah inaynu meel aad u fiican marayno horumar aad u balaadhana ku talaabsanay, inaga oo aan wali Caalamka Aqoonsi ka helin, waxayna taasi muujinaysa inaynu isku filan ahay”.

Taliyaha Laanta Socdaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland waa dal nabad ah, oo dadkiisu isku tashaday, waxaana dadka reer Somaliland  kula talinayaa inay si muujiyaan inay yihiin dal iyo dad wax qabsaday, isla markaana si wanaagsan ay isku diiwaangeliyaan marka laga gaadho Diiwaangelinta si loo ogaado tirade buuxda ee dadka reer Somaliland iyo tirada dadka Ajaanibka ah ee dalka ku sugan”.