Hargeysa(Geeska)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay Ciidanka Boolisku Masalaha bari ee Hargeysa oo uu toddobaadkii hore dil ka dhacay ay ka soo qabqabteen toddoba nin oo Dableysan hubeysana oo ciidanka rasaas kala hor yimi iyo Afar Qori oo AK47-na iyo dhowr baabuur oo ay wateen, isla markaana nin ka dhaawacmay dableydii.
Taliye Fadal waxa uu sida ku sheegay Shir-Saxafadeed uu shalay galab qabtay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Saaka [Shalay] Abaaro 9:00 Subaxnimo waxa ciidanka Booliska ay odayaal waayeel ahi ku soo wargeliyeen in dhulka Masalaha oo horena dil uga dhacay oo ku taala Koonfurta Magaalada Hargeysainay rag hubeysan oo gaadha ilaa dhowr iyo laaban ay joogaan, Ciidanka Boolisku iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran nabadgelyada qaranka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland waxay ku baxeen raga hubeysan oo weliba ka soo jeeda dhicii falkii dilka nin dhinacooda ka tirsani uu ugu geystay, kadib markii ciidanka boolisku hawlgalkaasi galeen waxay raggaasi kala hor yimaadeen iska cabin ama shaqo iska hortaag hubeysan oo ay rasaas ciidanka booliska ku soo rideen.”
Mar uu Taliye Fadal ka hadlayay tirada dableyda iyo qoryaha ay soo qabqabteen ayaa waxa uu yidhi“Ciidanka boolisku iyaga oo cuskanaya sharciga sida uu sharcigu u baneynayo mar haddii hub lagala hor yimaado, difaacaya naftooda, iyo ta qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo bulshada reer Somaliland-ba rasaas ayay qoladaasi (Dabley hubeysan) kaga horeeyeen ayaa la is-weydaarsaday, rasaastaas hal nin oo qoladii hubeysnayd ee weerarka soo qaaday ayaa dhaawacmay, waxaana goobtaasi laga soo qabtay todoba eedeysane oo uu ka mid yahay eedeysanihii hoggaamiyay kooxdaasi ee sida sharci darada ah u socotay,waxa kale oo la qabtay saddex Gaadiidkii ay isticmaalayeen. Ciidanka boolisku markii lagala hor yimi rasaasta waxay qabsadeen waajibkoodii, iyaga oo istifaacaya, qoryahaa hortiina yaala waa hubkii lagu qabtay eedeysanayaasha 4-ta qoriba waa AK-47,waa qoryihii ay ciidanka booliska ku soo ridayeen, waxaanan marka kowaad halkan uga mahad-celinayaa ILAAHAY,marka labaadna Ciidanka booliska Somaliland, dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo Ciidankii fuliyay hawlgankan”.
Taliye Fadal waxa uu fariin u direy dad uu ku tilmaamay denbi-quudayaal ah, waxaanu yidhi“Waxaan halkan fariin uga dirayaa dadka denbi quudayaasha ah, ee arrimaha dhulka hubka u soo qaata, in Ciidanka Boolisku isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran oo aan sharciga ku xad-gudbayn, inay ka qaadi doonaan talaabo adag. Ciidanka boolisku u dul-qaadan-maayo cid kasta oo hub soo qaadata, ama Magaalo ha ahaato, ama meel kale ha ahaato, waa arrin sharciga khilaafsan had iyo jeer ay isticmaalaan dadka dhul-cunka ah,”Gari laba nin kama wada qosliso, Dhulka labada qof mid uun ayaa helaya, laakin ciidanka boolisku waa fulin, oo ay shaqadoodu tahay inay waajibka qaranimo qabsadaan.meelkasta oo nabdgelyo darro laga soo sheego ma cid hubeysan ciidanka boolisku way ka hawlgalayaan…. Cidkasta oo isku dayda inay xoog isticmaasho oo ay hub adeegsato inaanay ciidanka boolisku u dul-qaadanayn oo ay gacan bira ku qabanayaan iyaga oo adeegsanaya sharciga, dadka nooca u dhaqmaana waxay la kulmi doonaan jawaab adag”.