Hargeysa(Geeska):-Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sareey Guuto Maxamed Aadan Cismaan(Xudhuun), ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan ciidanka Asluubta oo la sheegay in laga ruqseeyey shaqadoodii, waxaana uu tilmaamay in ciidamadaas qaar ka mid ah loo aryey iyaga oo aan haysan wax qoryo ah halka kuwa kalena muddo ka badan shan cisho ay habsan ahaayeen, isaga oo sida oo kalena ka hadlay qaabka bisha barakeysan ee Ramadaan ay ula dhaqmaan Maxaabiista ku jirta Jeelasha.
Sareeye Guuto Maxamed Aadan Cismaan (Xudhuun), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu sida oo kale carabka ku dhuftay in markii ciidanka lugu eryey in ay qoryo doontaan ay afar ka mid ahi sameeyeen wax uu ku tilmaamay anshax darro isaga oo xusay in ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ay u cabasho tageen isla mar ahaantaana ay ku abaal mariyeen in afartii askari ee talaabadaas ku dhaqaaqay laga ruqseeyo shaqadoodii.
"Horta ciidanku ma badna, waxaa se ay isagu jiraan Laba nooc, ciidan waa ciidan habsan ahaa oo baafin lagu sameeyey oo shan cisho oo baafin ah ayaanu samaynaa haddii uu askarigu habsaamo oo uu iska tago, taliyahiisa ayaa soo dira in uu maqan yahay, marka marka uu taliyahiisu soo diro annagu shan cisho oo baafin ah ayaanu ka dirnaa, shantaa cisho ee baafinta ahna haddii uu ku iman waayo ruqso ayaa laga diraa. Afar askari waxaan ku eryay, askarigu dambi hadduu galo oo dambi qaran galo, oo loo naxariisto aan la gayn xabsi, waxa weeye shaqada ayaa laga fadhiisiyaa. 86 askari oo bilaa qori ah ayaanu soo dhejinayn, waxaanu nidhi muddo bil ah ku soo qaata qor yihiina, markaa 4-ta askari intay ciidankii abaabuleen ayay baarlamaanka iyo madaxtooyada geeyeen oo yidhaahdeen xeradii baa nalaga soo saaray”.Ayuu yidhi Sareeye Guuto Maxamed Xudhuun.
Md.Maxamed Aadan Cismaan (Xudhuun) oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Markii la waydiiyay sababta loo soo saarayna waxay yidhaahdeen qoryo keena ayaa nala yidhi, markaa askari wuxuu askari ku yahay qoriga ee qoryihiina doonta ayaa la yidhi. Kolkaa afartii 86 askari hor kacay waan ruqseeyay oo ishibiliin xumo ayaan u ruqseeyay oo maalinta dambena wax kale ayay samayne kuwa kale ha ku waano qaataan. Askartii bilaa qoriga ahayd 2 ayaanu u qaybinay, kuwii qoryaha keenay waanu u liis garaynay,kuwii aan qoriga keenina Lacagtiisa(Mushaharkiisa) ayaanu ka jaray oo nidhi qori baanu kuu iibinaynaa”.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Cismaan (Xudhuun), ayaa ugu danbeyntii waxaa uu ka hadlay qaabka ay ka ciidan ahaan bisha Ramadaan ula dhaqmaan Maxaabiista ku jirta Jeelasha.“Waa ay soomaan, ka aan soomina, waa caadi oo waa loo keena oo sida innagaba dee qaar aanay soomin ama kuwa soomana dee suxuurta ayaa loo keena sidaas ayaana ay ku soomaan”.