Hargeysa(Geeska)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay u dabaal degay sanad guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii, waxaana ka qayb galay Madaxweyne Siilaanyo.
Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sharaxay arrimaha ay sanadkan ciidamada boolisku qabteen “ Ciidanka boolisku waxay sanadkan gacanta ku dhigeen 3846 tahriiyeyaal ah, waxa kale oo ay qabteen 56 Mukhallasiin( Ma gafeyaal ah) kuwaasi oo dhammaantood sharciga la geeyay xukunno kala duwanna lagu riday. Waxa kale oo ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen 1,780 qoomiyadda oromada Itoobiya ah kuwaas oo dalkooda dib loogu celiyay. Waxa kale oo arrimaha ammaanka khatarta ku ah ka mid ah muranka dhulka oo dhimasho iyo dhaawac u gaysta booliska, waanan kugu hambalyaynayaa madaxweyne guddida aad u magacawday. Waxa kale oo ay talaabo adag Boolisku ka qaadeen dhalinyarada kooxaha ah, waxaanay gacanta ku dhigeen 550 dhalinyaradaas ah, waxaana xukunno kala duwan iyo ganaaxyo ku dhaceen 450,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Geesta kale Hogaanka hawlgalinta ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle sare Maxamuud Ducaale, ayaa munaasibadda xuska 22-guurada ciidanka Somaliland ka jeediyay tirada dambiyada sanadkan dalka ka dhacay.
Waxa uu Maxamuud Ducaale, soo bandhigay tirada guud ee dambiyada sanadkan dalka ka dhacay, inta Kufsi, inta shilal, inta iska hor imaad bulsho ama bulsho iyo booliska iyo falal kale.
Waxa uu sheegay in dilalka dalka sanadkan ka dhacay yihiin 61 dil, halka gacanta lagu dhigay 55 gacan ku dhiigle, waxaana baxsaday 6 dil gaystay. Waxaa jira hoos u dhac yar oo dhinaca dilalka ah marka la is barbar dhigo sanadka 2014 iyo 2015.