Taiwan Oo Xayiraad Kusoo Rogtay Dadka Sita Baasaboorka Soomaaliya

0
21

Taiwan(Geeska)Taiwan, oo ka cadhootay xayiraadda ay Soomaaliya kusoo rogtay dadka sita baasaboorkeeda, ayaa iyaduna xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay dadka sita baasaboorka Soomaaliya, kuwaas oo hadda kadib aan u safri karin Taiwan.

Xayiraadda Taiwan ayaa timid kadib markii Soomaaliya ay mamnuucday in dadka wata baasaboorka Taiwan ay isticmaalaan madaarradeeda, taasoo saameyn ku yeelanaysa dadka reer Taiwan ee u socdaalaya Soomaaliya

 

Dhanka kale, xayiraada ay Taiwan kaga jawaabtay ayaa saamayn doonta ganacsatada iyo ardayda Soomaaliyeed ee u safra Taiwan.

“Waxa naloo xaqiijiyay in Taiwan ay xayiraad saartay dadka sita baasaboorka Soomaaliya,” ayuu u sheegay ABC News sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Xayiraadda ay Taiwan kusoo rogtay dadka haysta baasaboorka Soomaaliya ayaa jawaab u ah xayiraadda ay Soomaaliya saartay baasaboorka Taiwan, xilli uu sii xoogaysanayo xidhiidhka u dhexeeya Muqdisho iyo Beijing oo dhinac ah, iyo Hargeysa iyo Taiwan oo dhinac ah.

Dowladda Shiinaha ayaa soo dhoweysay tallaabada ay qaaday Soomaaliya, waxayna xayiraadda ku tilmaantay “xayiraad sharci ah” oo ka tarjumaysa ka go’naanshaha Soomaaliya ee siyaasadda “Midnimada Shiinaha”, sida uu Arbacadii sheegay Guo Jiakun, oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Danjire Tibor Nagy, oo hore Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ugu matalay waddamo Afrika ah, isla markaana dhawaan dib uga hawlgalay waaxdaas, kana tirsan dadka ku dhow maamulka Trump, ee ololeeya qadiyadaha Somaliland iyo Taiwan, ayaa sheegay in tallaabada Soomaaliya ay khatar gelin karto xidhiidhka Washington iyo Muqdisho.

“Dadku waxay moodayaan Soomaaliya qaran awood leh; balse waa dawarsato caalami ah oo ku tiirsan dalal kale si loo sugo ammaankeeda, waxayna si isla weyn ku jirto u mamnuucday dadka sita baasaboorka Taiwan. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ha akhriyaan heshiiska Maraykanka iyo Taipei ee loogu talagalay kuwa waxyeelleeya Taiwan,” ayuu yidhi