Taiwan Oo Somaliland Ugu Deeqday Qalabka Loo Adeegsado Hubinta Cod-bixiyeyaasha

0
512

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Taiwan, ayaa Somaliland ugu deeqday 2500 oo xabo oo ah qalabka loo adeegsado hubinta codbixiyaha, ee loo yaqaano ‘Biometrics Voter Verification System’ oo qiimahiisu yahay 2 milyan oo dollar.

Qalabkan oo loo isticmaalo diwaangalinta iyo xaqiijinta codbixiyaha, ayaa ah qalab sahlaya in uu aqoonsado astaamaha jidheed ee codbixiyaha sida indhaha qofka.

Qoraal lagu qoray bogga xafiiska Taiwan ee Hargaysa, ayaa lagu yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland waa waddankii ugu horeeyay ee isticmalay tiknoolajiyadda aqoonsiga indhaha doorashadii 2017, maantana qalabkan IBVVS oo la jaanqaadaya, qalabka aqoonsiga indhaha waa guul la gaadhay taariikhda doorashada Adduunka”.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay “Taiwan waxay Somaliland la wadaagtaa qiimaha dimuquraadiyadda, xorriyadda iyo ku dhaqanka sharciga, waxayna ku faraxsantahay in ay la shaqayso dowladda Somaliland gaar ahaan koomishanka doorashooyinka qaranka”. Ayaa lagu sheegay qoraalkaasi oo intaa ku daray “Taageerada Taiwan ee doorashooyinka Somaliland waa in la muujiyo in dimuquradiyadu tahay luuqadeena, xorriyadduna tahay ujeedkeena guud”.

Qalabkan ayaa loo isticmaali doona hubinta iyo xaqiijinta astaamaha jidheed ee codbixiyayaasha doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Qalabkaasi ayaa waxa Safiirka Taiwan ee Somaliland ka guddoomay Guddoomiyaa Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac.

Geeska.net/Hargeisa Office