Tahriibka ama dhalandhoolka loo jeestey wadamada reer galbeedku maaha dhibaato ay sababtay oo keliya dhaqaale xumo ama faqri haysta dadka tahriiba balse waa mushkilad leh xididdo badan oo sida ay ku sheegeen warbixin ay soo saartey qolada la yidhaahdo Global initiative horraantii sannadkan 2014 ka, qodobada ugu muhiimsan ee dabada ka riixaaya qul-qulka hayaanka dhallinta Afrika ay ka mid yihiin:
Bulshooyinka qaaradda Afrika oo ah kuwa ugu koritaanka badan aduunka.
Walow qaaraddu ay hadda hesho dhaqaale si weyn u kobcaaya, hadana waxay ku guul dareysatay inay dhaqaalahaas u adeegsato horumar nololeed oo waara oo ay helaan dhallinyaradeedu.
Dagaallada, khilaafyada iyo musuq-maasuqa aan demin ee dabeecadda u noqday qaaradda ayaa iyaguna ah qodobo saamayntooda leh.
Markaan akhriyey warbixintaas waxaan ku biirin lahaa qodob kaloo ah “hogaan xumo haysata bulshada qaaradda afrika oo sabab u noqday inay qaaraddu weydo meel ay hiigsato ama bidhaaminta hiigsiga tobanka ama labaatanka sano ee soo socda, taas oo sugtay inay dhallintu is weydiiso ama mid-mid ugu guuxdo su’aalahan:
Xaggeed u socotaa oo aad halabsanaysaa tobanka ama labaatanka sano ee soo socda?,
Ma sidan baad u dhex taagnaanaysaa? Mise waddo kale ayaa kuu furan?,
Meeye qolyihii ama jiilkii kaa horreeyey?
Su’aalahaasi waa kuwo u baahan inay ka hor intaanay dhalinyaradu is weydiin ay ka sii jawaabaan dadka aqoonta iyo hogaanka u ah ummaddan qaaradda Afrika. Markii taas lagu guul darreystey ayay dhaqaaqday dhallintii, dawadiina weli lama helin oo meelo kale oo ay ka mid yihiin in shaqo abuur iskaba adkaatay oo aan qorshe iyo cid abaabulan toona loo hayn la sameeyo iyo in xuduudaha la isku hortaago ayaa wakhti iyo maskaxba ku idlaadeen, balse waxay dhallintu qaadayaan “cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayee….”.
Waxaan xalay (7dii bishan sagaalaad) dhegeystey Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland oo leh; “Waxaanu soo ogaanay in 95% aanay dhibaato dhaqaale wadin dhallintan tahriibaysa, wax aanu ka qaban karnaana ma jirto ee waxaanu leehanay ilaahayow naga sabata saar.”
Maryam (Nebi ciise hooyadii CS) ayaa laga diiday ilaahaw fadhi wax igu sii oo markii ay gaajootay iyada oo umul ah ilaahayna weydiisatay cunto, wuxuu Ilaahay ku amray inay ruxdo geedka ay hoos sugan tahy si ilaahay midho uga soo daadiyo, sidaas ayaana lagu cunto siiyay (ogow ilaahay waxba kuma ahayn inuu fadhiga ku arsaaqo balse waxaa la barayay dhaqanka wax qabsiga). Aduunyada waxaa la inoo keeney inaynu shaqaysanno oo nolosheena ku fillaano balse maanta taa cagsigeeda waxaynu ku nasanay shaqaysi la’aan iyo feker la’aan, welina diyaar uma nihin oo sidii aynu isugu filnaan lahayn kamaynaan tashan, ilaahayna weli inooma soo dirin hogaan inagu haga isku filnaansho hadaynu nahay ummada Somaaliland, oo labaatankii sano ee ugu danbeeyeyba nabada ahaa, ayna hortaalay fursada u midaynta xoogeeda, maskaxdeeda, iyo aqoonteedaba siday wadada isku filnaanshaha nolosha cagta u saari lahayd, balse looma dhaqaaqin.
Tusaale; wadankeenna wax-soo-saarkiisu aad buu u kooban yahay, xoolaynu lahaan jirney oo iyagiina magaalo ayaynu kasoo galnay, dhulkiina umaynaan dhawrin, falashada beerahana looma soo jeedo dad yar oo fara-ku-tiris ah mooyee, badna hadalkeedaba iska dhaaf. Su’aasha ina hortaalla ee dhallin bandanna dhuunta u dhaafi weydey waxa weeye; haddii ilaahayba inuguma keenee baddu 10 maalmood yara xidhanto, nolosha shacabka Somaliland siday noqonaysaa? Illeen waxkasta oo aynu cunno, huwanno, ama si kale u isticmaallo waa soo dhoofsanaaye. Tobanka sano ee soo socda xagaynu higsanaynaa? Labaatanka sano ee soo socdana sidaynu u eekaanaynaa?, ma leenahay hiraal qaran? Mase leenahay qorshe uu ku tashan karo qofkasta oo reer Somaliland ah, habeenkii markuu seexanaayo, subixiina hirgelinta kaalinta kaga aadan ku foofo?.
Maanta cidna canaanan maynno oo masuuliyadda weynu u dhannahay dhamaan aqoon yahay, siyaasi, madax, ganacsato, iyo indheer garadba. Balse waxaa ina hor yaalla jawaabihii su’aalahaas, waxaa hore loo yidhi maalinba awr baa dhaamiya, maanta inteenna kaalin qaadka ah ayaa ilaahay ummadan xilkeeda ina saarey, dhitadaynu u dhignaana dhallinteena u taal.
Hadaan ahayn qoraaga maqaalkan kooban waxaan ku talin lahaa sidii Somaliland maalintii 18 ka may go’aan ka uga gaadhay madax banaanideeda, mar labaad ha isaga timaado go’aan ka horumarka iyo isku filnaanshaha qarankan curdinka ah ee sabool ka ah. Si kale haddaan u dhigo hadda waxaynu leenahay haayado dhisan oo hadday masuuliyaddooda gudanayaan tuujin kara maskaxda ummadan, xariiqi karana hiraalka qarankan oo qorshe wata ummadana ka gadi kara, iyaga oo adeegsanaya aqoontan aamustay ee ummadani leedahay.
Waxaa ina horyaalla inaynu maskaxdeena meel isugu keeno, oo meelkasta hajoogee ummada qarankan wax u baratay la kulmiyo, ayna iftiimiyaan sida, qaabka, iyo waddooyinka horumar waara iyo isku filnaansho nololeed lagu gaadhsiin karo wadankan. Haddii taladaas sideeda loo dhaqan geliyo, oo shacab iyo xukuumad isku duubani dhexda u wada xidhaan (Illaahayna ku talo saartaan). Waxaan aaminsanahay in dhallintu negaan doonto, dhulkuna sidan dhaami doono, ummadeenuna kuso toos mustaqbal yeelan doonto, nolosheenana wakhti yar gudihii is bedel ballaadhan, oo sababna u noqon kara soo gucleynta waxyaabaha aduunyada kale inagaga maqan aynu hantiyi doonno.
Allaa Mahad Leh
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
Email: gaas96@gmail.com