Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in Gobolka Awdal oo qudha aanay ka jirin tabashadu ee ay Somaliland oo dhan ay ka jirto, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddani ay ku fashilantay inay tabashooyinka jira wax ka qabato.
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadaladii dhawaan burburay ee Somaliland iyo Somaliya, iyo hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibada, ee uu ku codsanaayey in Beesha Caalamku soo dhex gasho.
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ka hadlay Masuul xil ka soo qabtay Somaliya, oo isku shandhayntii ugu dambaysay Madaxweynuhu xil u magacaabay, waxaanu sheegay in Xukuumaddani xilal hore u magacawday dad iyagu dalka hore uga tagay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Tabashadu Gobolka Awdal oo qudha kama jirto, ee Somaliland oo dhan ayey ka jirtaa cid aan wax ka tabanaynin, waxna aan ka sheegnaynin Xukuumaddani ma jirto, Wasiir iyo wax la mid ah oo la magacaaba tabashada ma dhamayn karayn, ee in cadaalad, sinaan iyo maamul wanaag la helo, lagana helo Xukuumaddan, ayaa wacnayd, balse wey ku fashilantay, haddii ay saami qeybsi noqotana waxa Somaliland ugu dambaysay wakhtigii aynu Calanka ka qaadanay Ingiriiska 1960-kii”.
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID, ayaa mar uu ka hadlayey hadalkii Wasiirka Arrimaha dibada ee uu Beesha Caalamka kaga codsaday in la soo dhex galo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ayaa yidhi “Wasiirka Arrimaha Dibadu qayla-dhaan ayuu u dirsaday Beesha Caalamka, iyada oo dhawaan shirkii Somaliya inoo dhexeeyey burburay,waxa ay ahayd inta aanu baaqaas ama qeyla-dhantaas dirin,inuu ka fiirsado, oo uu wada tashi sameeyo, isla markaana wax ka weydiiyo Axsaabta Qaranka, Golayaasha, Bulshada, Aqoonyahanada iyo cid walba oo rajo ka leh Somaliland”.
Musharax Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID, ayaa mar uu ka hadlaayey Masuul xil ka soo qabtay Somaliya, una dhashay Somaliland, oo xil Madaxweynuhu u magacaabay ayaa yidhi “Marka hore Xukuumaddani waa Xukuumad sii dhacaysa, waxaana hore ugu jiray oo xilal ka soo qabtay, qaarna hadda ka hayaan dad iyagu u dhashay Somaliland, laakiin Somaliya qabtay, jiritaankii Somaliland qaadacay, waxaana haboonayd, sharaftuna ku jirtay in qof u dhashay Somaliland oo dalka aaminay in xil loo magacaabo, in inta qof cararay oo Somaliya xil u doontay,xil loo magacaabay, dalkana waxa jooga dad iyagu aqoon leh.”