Suurtagalnimada In Addis Ababa Ay Kuso Biirto Dagaalka Isreal Ay Kula Jirto Xuutiyiinta Yemen

0
103

Warbixin dheer oo ay aljazira ka qortay Suurtagalnimada in ay itoobiya kuso biirto dagaalka ay israiil kula jirto xuutiyiinta yemen.

Faalo dheer ee al jazira ka qortay socdaalki dhawaan uu ku tagay wasiirka arrimaha dibada Isra,iil ujeedadisu ahayd sidii itoobiya uga qayb qaadan lahayd Arimo amaanka Quseeya.

warbinta ay aljazira ka qortay arintan oo aad u dheerayd ayaa waxay ku bilaamaysa”

Maalin ka dib markii ciidamada cirka ee Israa’iil ay duullaan ba’an ku qaadeen dalka Yemen, wasiirka arrimaha dibadda ee Tel Aviv Gideon Sa,ar ayaa 5-tii bishan ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Bole International Airport ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, isaga oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xidhiidhka istiraatijiyadeed ee labada dal.

In kasta oo arrinta dhaqaalaha ay booqashadiisa u badnayd, haddana tilmaamo badan ayaa xaqiijinaya in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimaha ammaanka, oo ay ku jiraan dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Arintan ayaa dadka indha indheeya  ay su’aalo badan ka keeneen suurtagalnimada in Addis Ababa ay kuso biirto dagaalka Isreal ay kula jirto Xuutiyiinta Yemen.

Ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar uu la kulmay dhiggiisa Itoobiya, Gideon Timotheus, bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxaa caddaatay in heshiiska labada dhinac uu ka baxsan yahay isu ekaanshaha magacyada labada wasiir iyo aragtiyo istiraatijiyadeed oo ballaadhan.

Waxay ahayd arrin cajiib ah in Sa’ar uu ku nuuxnuuxsaday in labada waddan ay wajahayaan “khatarta argagaxisada ee caalamiga  ah,” isaga oo isku xidhaya dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ee jihaad doonka ah ee Soomaaliya iyo Xuutiyiinta Yemen, iyadoo loo tixgelinayo midda dambe “khatarta Israa’iil iyo Afrika,” iyo in argagixisada la “cidhibtiro.” Wuxuu ammaanay doorka Addis Ababa ee la dagaalanka argagixisada.Arintan diirada lagu saarayo ka hortaga argigixisada ayaa lagu soo celceliyay booqashadii uu Sa,ar ee uu  dhawaan ku tagay Itoobiya. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya, qayb muhiim ah oo ka mid ah wada-hadallada uu la yeeshay dhiggiisa Itoobiya ayaa lagu go’aamiyay khatarta guud ee argagixisada. Warbixinta waxa lagu sheegay in uu Sa,ar  ku celceliyay hadaladiisii ??hore,  isagoo carabka ku adkeeyay in sii wadida iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee aaggan ay muhiim u tahay la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.Labada dhinac waxa ay leeyihiin xidhiidh dhow oo dhanka ammaanka ah. Tusaale ahaan, Noofambar 2020, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya waxay heshiis la saxeexatay Wasaaradda Amniga Guud ee Israa’iil si kor loogu qaado iskaashiga dhinaca sirdoonka iyo la-dagaallanka argagixisada gobolka Geeska Afrika.Marka la eego arrimaha aan kor ku soo xusnay, dadka indha indheeya arrimahan ayaa tilmaamaya in xidhiidhka cad ee Israa’iil uu ku saabsanyahay la dagaalnka Xuutiyiinta iyo Xarakadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ay muujineyso rabitaanka Tel Aviv ee ah in ay Addis Ababa ka hesho taageerada dagaalka balaadhan  ee ay kula jirto kooxda Yemen.Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wakiilada Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ay kulmeen labo jeer sanadka 2024-ka, halka warar kale ay sheegayaan in Xuutiyiinta ay ballaarinayaan isbaheysiga ay la leeyihiin dhinacyada Bariga Afrika.Arrimahan oo dhan waxay noqdeen kuwo walaac ku abuuraya dalalka gobolka, gaar ahaan Itoobiya oo kumannaan askari oo ka tirsan ciidamadooda ay Soomaaliya kula dagaallamayaan Al-shabaab.Sidoo kale, welwelka ay Itoobiya ka qabto dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta kuma koobna oo keliya iskaashiga ay la leedahay dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee Soomaalida. Qalalaasaha ka taagan koonfurta badda cas ayaa sidoo kale saameyn xun ku yeeshay dhaqaalahooda. Bishii Maarj 2024, shirkadda dawladda Itoobiya ee Shipping and Logistics Services waxay daaha ka qaaday in hawlihii soo dejinta iyo dhoofinta ee dalka ay si weyn u saameeyeen dhibaatooyinka amniga ee socda. Bishii Nofembar 2024, Africa Intelligence waxay sheegtay in mashaariicda kaabayaasha ee hamiga ah ee Itoobiya, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo horumarinta beeraha warshadaha, ay si ba’an u saameeyeen dib u dhac ku yimid silsiladaha sahayda oo ay ugu wacan tahay qalalaasaha amniga ee gobolka, cadaadis weyn saaraya jadwalka   Dib u hawlgelinta dagaalkaIn kasta oo Itoobiya iyo Israa’iil midkoodna aanu war rasmi ah ka soo saarin natiijada ka soo baxday ee ku saabsan xaaladda ammaan ee gobolka, haddana warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in madaxda Itoobiya ay ku dhiiradeen inay si wanaagsan arrintan uga qayb qaatan.Sidan oo kale, warqad uu soo saaray machadka Rift Valley bishii March ee la soo dhaafay ayaa soo xigtay xubin sare oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, wuxuu yidhi, “Waa inaan u aragnaa ammaan-darrada ka jirta Badda Cas fursad ay ka maqan tahay awood weyn iyo mid dhexe, waa fursad ay Itoobiya goobjoog ka tahay oo ay qaadato mas’uuliyadda badda cas.”Inkasta oo uu wargeysku xusay in horumarka amniga ee koonfurta badda cas uu u taagan yahay fursad istiraatijiyad ah oo ay Itoobiya dib isugu soo celin karto sidii ciidan xasilineed iyada oo si firfircoon uga qayb qaadanaysa waxa loogu yeedho “la dagaalanka argagixisada” Xigasho aljazirahttps://www.aljazeera.net/politics