“Suldaan Wabar Waxaan Leeyahay Sidii Rayaale Noo Xidhay, Waa Laguu Xidhayaa Haddii Aad Dawladnimada Adeeci Weydo”

0
607

Picture7

Hargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Maxamuud (Buurmadoow) ayaa si adag uga hadlay arrinta Suldaan Wabar oo ku jira buuraha galbeed ee Gobalka Awdal, waxaanu ugu baaqay inuu sharciyada iyo miiska wada hadalka ku soo noqdo, haddiise uu dawladnimada ka horyimaado la xidhi doono sidii uu isagaba Daahir Rayaale Kaahin u xidhay.

Boqor Buurmadoow oo shalay waraysi siiyay shabakadda wararka ee Caynabo, ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya xaaladda gobalka Awdal iyo qaddiyadda Suldaanka, wuxuu yidhi “Xaaladahan hadda jiraa; runtii uma baahna Somaliland, maanta horumar, tacliin iyo wax wada qabsi iyo isku duubni ayay u baahantahay ee uma baahna wax sii kala fogeeya, aad iyo aadna waan uga xumahay. Suldaan Wabar waxaanu ahayn rag aad u saaxiiba ee adka uga hawl galay caleemo saarkiisii ee ula shaqeeyay, mana aan filayn maanta inuu halkaas ka bilaabo, sababo badan awgood.”

Wuxuu Buurmadoow sheegay in dhaqanka salaadiinta Somaliland yahay inay dhaqanka ilaaliyaan, waxaanu isagoo toos ula hadlaya Suldaan Wabar uu yidhi “Waxaan odhan lahaa suldaanka inaan laga yeelayn geedyahoow haddaan xabag kugu arkana kaa goostay haddii aan kaa waayana kaa tagay, waxaan ka filayay halkii anoo Siilaanyo suldaankiisa ah, 12-ka sannadoodba Daahir Rayaale ayaan taageerayay.  Anuu waxaan leeyahay aniga iyo suldaan wabar labada beelood ee la sharfay ayaanu ka mid nahay, inaanu wejiga xumaan ka dhawrno ayay ahayd, 12 sanno isagoo dalka soo xukumayay in isaga iyo raaskiisu yidhaahdo jabhad ayaan la baxayaa waa ayaan darro, cidda ku raacsana waxaan leeyahay dib haloo eego dhaqanka. Ninka Somaliland intay jirtay badh soo xukumayay inuu isagu wax tirsadaa waa ayaan darro.”

Wuxuu Boqor Buurmadoow sheegay in Beesha Habarjeclo ee Madaxweyne Siilaanyo ka dhashay ay iyaduba wax badan tabanayso dhinaca saamiga xukuumadda, “Annagu ka beel ahaan maanta annaga ayaa ugu wax tirsi badan, annaga ayaa dhibaato ku qabna, markaanu hadlayno waxaanu nidhaahnaa madaxweynuhu afar inan buu naaxsaday oo wasiiro ahee,. Beeshii intaa la soo tacabtay wax alla wax ay ku qabtaa ma jirto hadday tijaar tahay, hadday rag dhaqan tahay, annagaa ugu tabasho badan, waan hubaa wakhtigii Rayaale madaxweynahaa beeshiisu inay sidaas oo kale qabtay oo waan arki jiray. Markaas waxaan qabaa tabashada annaga ayaa ugu tabasho badanee meel aanu gayno iyo cid aanu ula tagno ayaanu la’nahay.”

Wuxuu geesta kale Boqor Buurmadoow ku taliyay in wixii tabasho ah ee jira si wanaagsan loo galo, isagoo ku taliyay in beelaha darafyada la raaligeliyo.

Isagoo dib u milicsanaya wakhtigii uu Daahir Rayaale xidhay wuxuu yidhi “Rag badan oo qaylinaya ayaan arkaayay oo leh maxaa wax loo xidhayaa oo ciidan loo keenay, aniga Daahir Rayaale intaanu isku dhacnay ayuu I xidhay, Maxamed Xaashi iyo Gabose wuu xidhay.  Waxaan leeyahay Suldaanka sidii Daahir Rayaale  noo xidhayay  waa laguu xidhi oo dawladnimada haddii aad adeeci weydo waa laguu xidhayaa, waxaanu leenahay wixii aad tabanayso miiska kaalay adoo Suldaankii ah oo cimaadaadii huwan, siyaasiga reerkana hadduu yeelo sidii Maxamed Xaashi iyo Gaboose loo xidhay ayaa loo xidhi, haddii lagu kala dhaqaaqayo iyo haddii  lagu dhimanayo wax alla wixii dalka rabshad ka bilaaba waa la xidhi. Anuu waxaan leeyahay haddii wax la tabanayo dawladan cidii wax ka weydaa waxay wax ku heli karaysaa inay doorasho ku bedesho, laakiin cidda aaminsan in si kale loo bedelo waxaan leeyahay waad u kordhinaysaa, dawladu kuma tagayso Suldaan meel u baxa iyo toban Suldaan oo baxa iyo beel baxda, haddii dagaal dhaco kordhin ayaa imanaysa aan guurti la marinayn, oo way inaga xumaanaysaa anuu waxaan leeyahay aan nabadgelyadeena ilaashano, dadka buuqayana waxa weeye wixii aad soo xukumi jirtay ayuun baa lagugu xukumayaa ee u diyaar garoow.” Ugu dambayn wuxu Boqor Buurmadoow tilmaamay in dhaqdhaqaaqa Suldaan Wabar ay siyaasad kale weheliso, waxaanu ku taliyay in la is garab wado dawladnimada iyo odayayntaba islamarkaana aan dawladda la hoosaasin.