Suldaan Maxamed Oo Golaha Deegaanka Hargeysa Ka Difaacay Eeddo Loo Soo Jeediyay

0
631

Picture4Hargeysa(Geeska)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa golaha deegaanka Hargeysa ka difaacay eed uu u jeediyay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, waxaanu Suldaan Maxamed ammaanay wax qabadka golaha deegaanka ee Hargeysa mudadii ay jireen.

Suldaan Maxamed, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu eedda boqorka ku tilmaamay mid aan qaban golaha deegaanka Hargeysa, “Hadalkii warbaainta ka baxay waxaad moodaa hadal rabash iyo dhibaato wadanka ku keenaya, 12 sannadood maayarka caasimadda Jiciir ayaa haystay, cid beeshaas uu maanta afka la gaadhay maan maqal oo erey gef ah. Qofku hadduu cabasho leeyahay oo uu wax ka cabanayo qofkuu ka cabanayo ayuu horistaagaa, laakiin in saxaafadda cid laga cambareeyaa waa shay fool xun, hadalkiisu wuxuu keeni karaa isku dhac beeleed, wuxuu kicin karaa fool iyo xumo aad u weyn iyo dhibaatooyin badan oo soo kordha.” Ayuu Suldaan Maxamed.

Isagoo hadalkiisa sii wata lana hadlaya dadka reer Hargeysa, wuxuu Suldaanku  yidhi,  “Dadka reer Hargeysa ee sida qaldan wax u fahmi kara waxaan leeyahay  inaanay arrinkaasi soo hadal qaadin ee ay dhagahooda ka dabooshaan oo aanay cidna waxba ugu qaban. Lix biloodba muu jirin golaha deegaankuye, goormay durba ku qaylinayaan.”

Suldaan Maxamed, waxa kale oo uu wasaaradda maaliyadda ugu baaqay inay waddooyinka ku dhisto lacagta waddo marista ah ee laga qaado baabuurta ay shacabku leeyihiin, “Cashuurta in wax lagu qabtana wasaaradda maaliyadda waa laga rabaa, ilaa qiyaamihii waddo maris ayaa lanaga gurayay, wasaaradda maaliyaduna waddo qudha may hagaajin, lacagta waddo marista ee dadka laga qaadaa waxay ku dhacdaa wasaaradda maaliyadda, waddo kasta oo aad martana baabuur afar cisho ku nabadgeli maayo. Markaas Hargeysa intaanay noqon xerada iskaraabka qolada maaliyadu ha hagaajiyaan waddooyinka oo hawlaha guud hanoogu dhiibaan.”