Suldaan Lagu Caleemo Saaray Deegaanka God-caanod Ee Sanaag

0
730

3Hargeysa (Geeska)-Caleemo saarka Suldaan Yuusuf Cabdiraxmaan Aw Daahir oo ka mid noqday Salaadiinta Somaliland, gaar ahaan Beesha Magaadle, ayaa lagu caleemo saaray   Deegaanka God-caanood ee Gobolka Sanaag, waxaana Munaasibadii lagu caleemo saaray Suldaanka ka soo qeyb galay Salaadiin, Madax dhaqameed, Cuqaal, Haween, Maayarka Ceel-afweyne Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed, Xildhibaano iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madax-dhaqameedkii ka soo qeyb galay Munaasibadii caleemo saarka Suldaan Yuusuf Cabdillaahi Ae Daahir oo iyagu Munaasibadaas hadalo dardaran iyo dhiirigelin ah ka soo jeediyey ayaa sheegay in Suldaan Yuusuf uu ku soo kordhay madax dhaqmeedka Somaliland, gaar ahaan Beesha Magaadle,  waxayna sheegeen inay u ducaynayaan, lana shaqayn doonaan, garab taagan yihiina, waxayna kula taliyeen inuu Siyaasada ka fogaado”.

Maayarka Degamada Ceel-afweyne oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Suldaankan, waxaanu yidhi “Ku soo dhawoow Salaadiinta Somaliland, ku soo dhawoow Degmada Ceel Afweyn iyo Deegaanka God-canood, intaba, waxaana ku rajaynaynaynaa inaad noqoto Suldaan ka shaqaya Nabadgeliyada, Suldaan ka shaqaya Horumarka”

Suldaan Yuusuf Cabdillaahi Aw Daahir oo ah Suldaanka la caleemo saaray oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu yahay Suldaan reer Somaliland, isla markaana waxa  uu xusay in xilka Suldaanimo ee loo dhiibay uu si fiican oo daacadnimo ku dheehan tahay u gudan doono, waxaanu aad ugu mahadnaqay dadkii doortay, waxaanu yidhi  “Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan  tihiin caleemo saarkan sharafta leh ee aad ii samayseen, waxaan dhammaan Suldaan u ahay Somaliland”