Hargeysa (Geeska)- Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, kana tirsan Salaadiinta Beelaha Gabooye, ayaa ka hadlay lix qodobo oo uu sheegay inay Xukuumaddani kula heshiisay Beeshiisa markii ay Mucaaradka ahayd, balse aanay fulin.
Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka Saddexda Xisbi ka gaadheen khilaafkii muddo kordhinta, waxaanu sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo, waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ugu baaqay inuu ka tanaasulo go’aankiisa uu ku diidan yahay mawqifka ay isku raaceen Xukuumadda iyo Saddexda Xisbi Qaran, waxaanu uu xusay inay caado noqotay in Xukuumaddaha taladda dalka qabtaa ay muddo kordhin loo sameeyo, waxaanu ku baaqay in si looga baxo arintaas in Dastoorka dib loo furo, qodobo ka mid ahna la bedelo, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Waxa aan si kal iyo laab ah u soo dhaweeynayaa heshiiska Saddexda XIsbi Qaran iyo Xukuumaddu, oo haddii aanu nahay Shacabka iyo Madax dhaqameedka Somaliland xalka qudha ee lagu xalin karo khilaafka siyaasadeed ee jira, balse Saleebaan Maxamuud Aadan, diidmada uu diiday iyo xilkiisu waa kala gaar, in Wadanka dhib ka abuurmo, oo qas iyo mudaharaad dhacaan maaha, heshiiska la heshiiyeyna inuu taageero ayey ahayd, Saleebaan xilkiisu waa Nabad, Buhoodle, fadhigan la fadhiyo inuu ka qeyb galo ayey ahayd, oo Nabadaynta uu kaalintiisa ka qaato, arinkaas uu diidaynaa aad iyo aad ayaanu uga xun ahay”.
Suldaan Daakir ayaa mar uu ka hadlay in loo baahan yahay in Dastoorka wax ka bedel lagu sameeyo ayaa yidhi “Waxa aan soo jeedin lahaa aragti ahaan madaama Xukuumad iyo Xukuumaddihii ka horeeyey ay u noqotay Sune in muddo kordhin loo sameeyo, mar haddii aanay inagu filayn shantan Sanno, in Dastoorkeena dib ugu noqono oo aynu bedelno Doorashada la ina dooranayo Shanta Sanno oo aynu ka dhigano Todoba Sanno, madaama Xukuumad kastaaba ay doonayso muddo kordhin, iyada oo dalku doonayo in la aqoonsado, sidan lagu aqoonsan maayo, Guurtidu waxa ay ahayd goob nabadeed, laakiin Maanta sumcadii Guurtidu wey dhimatay, waxaana dilay cida ka hor timid heshiiska la gaadhay, ee dalka lagu xalinaayo, oo garan waayey wixii loo doortay, markaas arinkaas aad iyo aad ayaan uga xun ahay”.
Suldaan Daakir ayaa mar uu ka hadlaayey lix qodob oo ay Xukuumaddani beeshiisa ugu balanqaaday oo aanay midna wax ka qaban ayaa yidhi “Xukuumaddan Kulmiye ee hadda taladda dalka haysa, anigu waan la soo shaqayey, waxa ka mid ahaa dadkii soo dhisay, waxa ay ku fashilantay wixii ay nagula heshiisay, waxa ay ku fashilantay wixii ay noo balanqaaday, waxa ay ku fashilantay lixdii qodob ee ay tidhi waan idiin qabanayaa, waxa lixdaas qodob ka mid ah inay Xukuumaddani nagula heshiisay in xilalka sare ee Dawladda ay ku soo dari doonto Beelahayga, kumay soo darin, waxa Wasiiro ah, namay siin, Badhasaab namay siin, oo dhammaan xilalka sare ee Xukuumadda kuma jirno, waxa ay nagula balantay inay cidhib tirayso takoorka quudhsiga iyo dulmiga, iska daa inay cidhib tirtee kor ayuu u kacay intii ay xilka haysay, waxay nagula balantay inay dadka maalgalinayso oo ay Warshado u furayso, iska daa inay Warshado u furtee, dadkii shaqaalaha ahaa ee Gabooye, Kabaha iyo Shaqooyinka kale ka shaqaysanayey ayaa kacay, oo dad laajiya ayaa shaqooyinkii qabsatay, markaas wixii ay nagula balantay kaciskeed ayaa ka dhacay, waxa kale oo ku jiray in Fursadaha Waxbarasho iyo Shaqada la siin doono, tiina may suurtagelin, lixdii qodob waxba lagama fulin, waxa aan odhan karaa oo qudha Waxbarashada ayaa dhawr iyo toban qof oo ay Waxbarashada ka bixyaan mooye, wixii kale waxba kamay qaan, sidaas darteed ayaanu uga digo rognay, anagu waxa aanu nahay Umad cadaalad doonaysa Xukuumaddan cadaalad daro iyo fool xumo ayaanu ga cararnay, “
Suldaan Daakir ayaa mar uu ka hadlaayey xilka La Taliyaha Madaxweynaha ee Beelaha la hayb sooco ayaa yidhi “La Taliyaha dadka la hayb sooco loo magacaabay xil sare muu ahayn, xilkaas laftiisa ayaa quudhsi ahaa, oo waxa ay ahayd la taliyaha dadka la hayb sooco, magaca la noo magacaabay iyo Xukuumadduna wey is waafaqeen, Xukuumaddani intaas ayey xil magacaabaysa, intaas ayey wax shaandhaynaysaa, noomaba haysto Umad jirtaba, haddii ILLAAHAY yidhaahdo waanu is tusi doono in aanu nahay Umad jirta, far ayaanu ku dooranay, fartaas ayaana ku ridi doono, Xisbiga Waddani ayaanu haddana nahay, waxaana ka haysana balanqaad aad u wanaagsan, waxaana ka rajaynaynaa inuu taladda dalka ku guulaysto marka Doorashada la gaadho, qodobada uu nagula heshiiyeyna uu noo fuliyo, ”.