Suldaan Baane Oo Ka Hadlay Xadhiga Boqor Raabi Iyo Qaddiyadda Banka Qoolcaday

0
644

Picture2Hargeysa(Geeska)-Suldaan Cali Baane oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay xidhitaanka banka qoolcaday iyo xadhiga lagula kacay boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi. Suldaan Cali Baane ayaa arinta kaga hadlay qoraal uu ka soo saaray magaalada Hargeysa, Suldaanku, wuxuu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan dadka aan suldaanka u ahay, waxaan halkan ku cadaynayaa hadaanu nahay dadka deegaanka Qoolcaday inaanu si cad uga soo hor jeedno xidhitaanka banka qool caday, markaa dadka raba inay xidhaan waxaanu sheegaynaa in haddii ay isku dayaan xidhitaanka bankaas inay meeshaas ka iman doonto  isku dhac taasna aanay maanta somaliland u baahnayn.”

Waxa kale oo uu suldaanku canbaareeyey xadhiga loo gaystay boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi kaas oo xadhigiisuna la xidhiidho banka qoolcaday “waxa kale oo aan halkan ku canbaaraynayaa xadhiga lagula kacay boqor Raabi Yuusuf oo aan mudnayn in xadhig noocaas oo kale lagula kaco maadaama oo uu ka hadlayey danta dadka deegaankiisa.” Suldaan Cali Baane waxa kale uu ka hadlay banka qoolcaday, waxaanu tilmaamay inaanay  marna ogolayn inay dawladu xidho  bankaasi waxaanu yidhi “Banku waa dhul kooban kamana maarmaan dadka deegaanku, somaliland-na waxay leedahay banan badan oo looga faa,iidaysan karo mashruuca noocan oo kale ah, markaa waxaan dawlada iyo cidii kale ee arinkani khuseeyo kula talinayaa inaanay wakhti iskaga lumin xidhitaanka banka qoolcaday, waxaanan dawlada u sheegaynaa in dad aan aqoon u lahayn deegaanka Qoolcaday ay iska hor keenayaan shacabka dagan deegaankaas iyo dawlada.” Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inay taageersan yihiin wax qabadka xukuumada somaliland waxaanu yidhi “Dawladu wax badan ayey qabatay waanan taageersanahay wax qabadka dawlada.”