Hargeysa(Geeska)-Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka isbahaysiga ah kula jira Xuutiyiinta Yemen ka dagaalanta ayaa dekedda Casab ee Ereteriya kiraystay.
Warbaahinta caalamka qaar ka mid ah ayaa hore u baahisay inay isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu doonayaan inay dekedda iyo garoonka diyaaradaha Berbera u isticmaalaan weeraradooda ay ka fulinayaan Yemen iyagoo warbixinuhu sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu ay mawduucan wada hadal kala gashay dawladda Somaliland, iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo safaro kala duwan ku tagay dalkaas. Hase yeeshee warar soo baxay ayaa xaqiijinaya inay labadan dawladood kiraysteen dekedda Casab ee Ereteriya, waxaanay wararka qaar sheegayaan inay kiraysteen muddo soddon sannadood ah, halka ay warar kalena sheegayaan inay kiraysteen inta ay hawlgaladu socdaan oo keliya.
Kooxda UN Monitoring group ayaa warbixinteedii u dambaysay waxay ku sheegtay inay labadan wadan go’aansadeen inay 30 sannadood kiraystaan dekedda Casab ee dalka Ereteriya, waxaana laga warqabaa in Madaxweynaha Ereteriya uu markii ay dagaalada Yemen qarxeen uu safar ku tagay dalka Sucuudiga.