Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay ahmiyada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo saamiqaybsiga waxbarashada

0
712

downloadHargeysa(Geeska)-Raysalwasaare-xigeenka dawladda Somaliya Maxamed Cumar Carte oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa ku baaqay in la xoojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in wada hadalka labada dhinac oo guulaystaa uu yahay furaha isfahamka.

Maxamed Cumar Carte oo magaalada Muqdisho ugu waramay weriye Cabdirisaaq Teera oo ka tirsan Star TV, wuxuu sheegay in kulan ay dhawaan dadka Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho joogaa yeesheen ay dawladda Somaliya ugu soo jeediyeen in saami qaybsiga Baarlamaanka Somaliya noqdo mid loo qaybsado laba dhinac oo ah Somaliland iyo Somaliya. Mr. Carte oo la weydiiyay tabashada saami qaybsiga ee ay xataa aaminsanyihiin dadka Somaliland ka soo jeeda ee Somaliya weli joogaa, wuxuu yidhi,  “Horta waa in wada hadalka la wado, wada hadaladuna ay yeeshaan qaab, marka saddexaadna waxyaalaha adag ee kala kaxaynaya in la dambaysiiyo laakiin la soo horaysiiyo wixii suurtogal noqon karaya ee lagu heshiiyo waayo wada hadalka ayaa sal u ah heshiiska.”

Mar la weydiiyay inay deeqaha waxbarasho ee lagu siiyo magacii Somaliya ay siiyaan Somaliland qaybteeda wuxuu yidhi  “Horta wixii ay deeqo Somaliland lahayd waxaanu u dirnay wasaaradda waxbarsahada Somaliland, weliba shuruudna waanu ku xidhnoo waxaanu nidhi kala saaraynta ardayda waa in lagu siiyo, si toos ayaanu wasaaradda waxbarashada ugu dirnaa, Itoobiya iyo Suudaana labadana waa loo diray ilaa boqol iyo waxoogaa arday  ayay ahaayeen, laakiin waxaad moodaysaa inay cabasho ka timid, waxaana la ii sheegay xataa arday intay Garowe basaborka ugu maqnaayeen in laga buuxiyay boosaskoodii.”

Mar la weydiiyay mashruuca Berbera Corridor oo uu weriyuhu sheegay inay dawladihii hore ee Somaliya iyo dawladan uu Carte ka tirsanyahay hortaagnaayeen, wuxuu Maxamed Cumar Carte ku jawaabay,  “Horta markii ugu horaysay ee la saxeexay 2009 Cumar Cabdirashiid ayuu ahaa ninkii ogolaaday, dawladihii ka dambeeyayna waxba kamay qabin, tan lafteeduna waxba kama qabto in mashruucaas Berbera corridor hirgalo, waxa la isku fahmi la’yahay arrin farsamo oo qaabka loo diyaarinayo ayay tahay, laakiin maaha in siyaasiyan loo diidanyahay, xukuumadan aan ka tirsanahayna habayaraate siyaasiyan waxa weeyaan wixii la qaban karayo in loo qabto dadka, laakiin wixii farsamo u baahan in la saxo.”

Waxa la weydiiyay rajada uu ka qabo inay midnimadii Somaliland iyo Somaliya soo noqoto, wuxuu ku jawaabay  “Waxaan doonayaa in Alle idamkii ay suurtowdo in wada hadal fiican uu bilaabmo oo uu ku dhammaado wax ay Soomaali ku raali tahay, Somliland waxay tabanayso ay ku heli karto hadduu saami qaysbi yahay lafteeda inay ka suurtogeli karto inay helaan, muhiimada ugu weynina waxa weeyaan maanta  caalamkiina wuu isbedelay sidii hore maaha, Somaliya ayaa isbedeshay, aragtidii siyaasiga ahayd ee mandaqada iyo caalaamka ayaa is bedeshay, markas waxa la rabaa in dadkeenu ku xisaabtamaan waaqiciga iyo waxa jira oo aynaan ku xisaabtamin in arrimuhu yihiin sidii hore, sidii hore way iska bedeleen, markaas in feejignaan laga yeesho waxa gobalka iyo caalamka ka socda, midda labaadna maanta waa la isu baahanyahay oo waxyaabo badan ayaa la iskaga baahanyahay xaggii socdaalka ayaa la iskaga baahanyahay, xaggii ganacsiga ayaa la iskaga baahanyahay.”

 

Waxa Maxamed Cumar Carte la weydiiyay sida uu isu socodku u hirgeli karo, maadaama oo aanu isagu ka degi karin magaalada Hargeysa oo uu u dhashay, waxaanu yidhi  “Waa waxyaabaha loo baahanyahay in laga wada hadlo, haddii wada hadalku si fiican u socdo, heshiis badan ayaa la geli karayaa, xataa sharciga ay Somaliland ku diido siyaasiyiinta Somaliland ku abtirsanayaa inaanay tagi karin dalkii xal waa loo heli karayaa waxase ka horeeya in laga wada hadlo, waxan oo dhana waxa aasaas u ah in la xoojiyo wada hadalka, taas ayaanay shacabka dani ugu jirtaa waayo, waxa laga hadlayaa waa adrega bulshada isu socodka haday tahay iyo basaborka, maanta waad ogtahay inaan basaborka Somaliland meelo badan lagu tagi karin, halkii Hargeysa Basaborka Somaliya laga bixin lahaa ayaa ama Garowe ama Muqdisho loo tagayaa dhibaato badan ayay ku haysaa. Markaas inaan runta taabano ayaa la rabaa oo laga wada hadalo isu socodka oo shacabka halkii ay Burco ama Berbera ka heli lahaayeen inaan meel kale loo tagin, markas waxaan rabnaa in la bedelo oo dadkii loo ogolaado.”

Maxamed Carte oo la weydiiyay bal inuu marna ku fikiray inuu Hargeysa ku soo noqdo, ka dib markii uu ka badbaaday qaraxii Muqdisho lagula beegsaday, wuxuu yidhi  “Hargeysa waa halkaan ku dhashay waa magaaladayadii oon jecelahay oon joogay muddo badan, qaraxuun maahee mar walba waan ku fikiraa inaan tago, waayo 17 u dambeeyay halkaas ayaan degenaa, markaas waa meel aad iyo aad iigu qaaliya.”