“Somaliland Waxba U Noqonmayso Shakhsiyaadka Qaranimadu Kala Weyntahay Quud Ay Nafahooda U Raadsadaan” Murashax Muniir Axmed Cigaal

0
657

ddddMurashaxa Golaha Wakiilada Muniir Axmed Cigaal, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga wuxuu kaga hadlay dadka naftooda hadba u doogsin raaca ee Qaranimada Somaliland kala weyntahay quud kooban oo ay lafahooda u helaan, waxaana dulucda weedhaasi ku timi kadib markii Garyaqaanki guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan oo xilkaas oo uu iska casilay ka sii maqnaa muddo 6-casho ah, loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya. Qoraalka Muniir Axmed Cigaal ayaa u dhignaa sidan:

"Cajiib: Awal hore waxaaba la arki jiray qaar intay Somaliland wax ka waayan xagga Muqdisho u daaqtaga , waxaase inagu cusub kuwo hadda intay Iscasilaan xil ka doonta halkaan ogaa… Oo ma danbaan ka leeyahay mar hadaan hubo in aanay Somaliland dib oo u danbaysa illaahay idankii ku laaban doonin God qaniinkii hore loogu cunay.. Maxaa iga galay kuwa daaqtagay iyo kuwa salka fudud ee ku tiraaba. "Jeelbaynu adduunka kaga jirna 25 Sanno ayaynaan wax aqoonsi ah haynin. .. " Adeer 100 Sanno haday gaadhayso Qaranimadda Somaliland waanu ku dhimanaynaye kii dhuuni raacow hore u sii soco. …

Wuxuunba aniga ila gudboon inaan si uun u hirgaliyo hamiga shacbigayga ee ah. 'Wadan nabdoon oo xasiloon, loo siman yahay wax beerashada ku dhidida oo calafkay cunayeen soo saarta iskuna filaada, dhulka aan kala yeelan ee wada yeesha kana hirgasha wershado shaqo Abuur dhalinteenu ka hesho. Yes we can. ….. Hadaynu taas samayno kuwa daaqtagay iyagoo dulaysan ayay soo noqonayaan insha allah.