Somaliland Waxay U Baahan Tahay Dib-U-Habayn Mug Leh Iyo Jihayn Cusub

0
710

Picture8Gudiga Daba-galka Hubka ee dalalka Eritrea, Somalia iyo Somaliland (International crisis group) oo loo soo gaabiyo ICG waxay dhawaan soo sareen warbixintoodii sanadlaha ee 2015. Gaar ahaan Somaliland waxay ka qoreen warbixin dheer oo tilmaamaysa dhaliilo meelo badan ka jira sida maamulka, dhaqalaha, siyaasada, arrimaha bulshadda, nabad galyada iyo xasiloonida dalka.

Daraasaddu kuma koobna dhaliilo kaliya balse sidaas oo kale waxay sheegaysa inay Somaliland horumar ka samaysay meelaha qaarkood ama ay ka soo kabatay burburkii iyo xasuuqii ka soo gaadhay dagaalkii dib u xoraynta; warbixintu waxay si guud u qiimaynaysaa xaalada iyo halka uu dalkku marayo ama taagan yahay. Dawladdaha masuulka ah ee u heelan inay dalkooda horumariyaan waxay isku dayaan inay iskood isku qiimeeyaan inta aan geediga la rarin ama la bedalin jihada, tusaale ahaan hogaamiyhii hore ee Itoobiya Mr Meles Senawi ka hor intii aanu bilaabin “reform”-kii Itoobiya mahadisay waxa la sameeyey daraasad qoto dheere si loo ogaado heerka la joogo iyo meelaha uu maamulku ka dhutinayo kadibna waxa la dajiyey barnaamij dib loogu habaynaayo ama lagu saxayo dhaliilihii ka soo baxay ( Business process re-engineering). Sahaminta ama qiimayntaa waxaa ku baxay lacag dhan lix boqol oo milayn oo doolar, kharashka inta badan waxa ka caawiyey wadamo ka mid ah beesha caalamka. Hadaba guddiga daba-galka hubku xukuumada Somaliland waxay u fududeeyeen ama u sameeyeen qiimayn bilaash ah oo laga duuli karo haddii la doonaayo in wax la saxo waxa kale oo madaxda qaranka loo soo jeediyey talooyin waafi ah haddii laga qaadanayo.

ICG waxay sheegtay in Somaliland mudo dheer ku soo dhaqmaysay nidaam dawli ah oo ka kooban hanaanka dimuqraadiga ee xisbiyada badan iyo dhaqanka beelaha ku salaysan oo lays waafajiyey (hybrid system of government). Wuxuu ahaa nidaam loo baahnaa marka loo eego wakhtiga iyo duruufihii jiray; waxaa lagu dhisay qaranka Somaliland, waxa lagu dhisay haykalkii dawladnimo, waxaa la sugay nabad galaydii, haba dabacsanadee waxa shaqeeyey sharcigii iyo kala dambayntii, waxa la soo nooleeyey hay’adihii ka shaqaynayey adeegyada bulshada.

Waxay ahayd marxalad ay lagama maarmaan tahay in laysku wado maamulka casriga ah iyo xeer jajabka dhaqanka laakiin may ahayn in lagu sii nagaado ee waxay ahayd in loo arko “Bridge” lagaga gudbayey marxalad adag. Waxay ahayd in la sameeyo “reform” dhamaystiran gaar ahaan in la xoojiyo hay’adaha sharci fulinta iyo in la ixtiraamo kuwa garsoorka iyo in aan la carqalaydayn shaqada golaha wakiilad.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in siyaasiyiinta Somaliland ku fashilmeen inuu dalku ka gudbo ama ka guuro marxaladii iyo meeshii  uu marxuum Cigaal kaga tagay (to continue the Egal era without Egal). Madaama oo nidaamkani ahayn mid sii shaqayn kara waxa loo baahan yahay reform iyo dib u cusboonaysiin deg deg ah. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa “talo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo”

Dhaliilaha ICG kuma eeka xukuumadda oo kaliya balse sidaas oo kale waxay dhaliil u soo jeedisay mucaaradka iyo ururadda bulahsada rayidka ah (the civil society) oo iyaga qudhooduna ka gaabiyey inay dawlada cadaadis ku saaraan inay samayso is bedal macno leh. Safiirkii hore ee maraykanka u fadhi jiray Soomaaliya Mr. Peter S. Bridges wuxuu yidhi “siyaasiyiinta Somaliland ma laha tababar ama yuhuun ay ku bedalaan jihada qaldan ee dalkoodu u socdo” (the Somaliland educated people had not the training or the spirit that might incline them to change the country’s direction). Si kastaba ha ahaatee qoraalka ICG wuxuu siyaasiyiinta Somaliland (mucaarad iyo muxaafid) ku guubaabinayaa inay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo wakhtigan la jaan qaadi karta iyo barnaamij horumarineed oo keeni kara in la helo nabad galyo waarta iyo xasilooni aan laga warwarin oo laysku halayn karo.

Horumar la’aanta siyaasadu iyo in meel uun la taagnaado waxay keenta maamulka oo gaabis noqda, waxa yaraada wada shaqaynta ha’aydaha dawladda, waxay saamaysaa oo dafiica laamaha u xil saaran nabad galyada iyo amniga qaranka sidaa daraadeed waxa ku soo dhiirada inay xukunka la wareegaan xoogag ka soo horjeeda dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka sida ciidamada oo kale ama islaamiyiinta xag-jirka ah iyaga oo ka faa’idaysana jiho wareerka iyo niyad jabka dadweynaha.  

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com