Somaliland: Sannadka 2021-ka Waxa Shaqada Dawladda & Ciidammada Hawl-gab ka noqonaya 3000 Qof

0
515

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay sannadka dambe ee 2021-ka ay shaqada ka fadhiisanayso Dad gaadhaya 3000 qof, kuwaasi oo xilligaa gaadhaya da’da Hawl-gabka ama ay la soo derseen Xaalado aanay ku sii shaqayn karin.

Dadka gaadhay da’da hawl-gabka ayaa shaqooyinkii ay Qaranka u qaban jireen waxa fursad loo siinayaa dhallinyarada Somaliland oo xilligan fursadaha shaqadu cidhiidhi ku yihiin.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Sannadka soo socda ee 2021-ka waxa noo qorshaysan 3000 Qof inay ka baxaan Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada, beddelkoodana ay galaan 3000 dhallinyaro ah oo Shaqaalaha Dawladda noqdo, Ciidammadana ku biira..”

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe wuxuu sheegay inay in arrintani hirgelayso marka Baarlamaanku uu ansixiyo Xeerka hawlgabka “Marka ugu horraysa ee ay Waajibaadkooda sharci ka gutaan ee ay anixiyaan Baarlamaanku wuxuu noqon doonaa Xeer dhaqan-gal ah isaga iyo Siyaasadduba, Annaga ku talo-galkayagu waxa weeyaan in sannadkaa la bilaano..”

In shaqaale badan la dhimo waxay u baahan tahay shaqaale, laakiin Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu wuxuu sheegay in lacagaha ugu badan ay  ka iman doonaan Lacago yaryar oo laga jaro shaqaalaha “Waxa Mushaharkooda laga jari doonaa 5%, Dawladduna waxay bixin doontaa 5-7%. Inta laga saari doono shaqada sannadka 2021-ka iyaga waxba laga jari maayo oo ma saamaynayso 5%-ta laga jarayo shaqaalaha, iyaga waxa hawl-gabkooda bixin doona kuwa shaqeeya, kuwa shaqeeyana waxa bixin doona kuwa beddelaya ee sii shaqayn doona..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office