Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in Dad cusub laga helay xanuunka Covid_19.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Warbaahinta Siiyey War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay uu Hal Qof Xanuunka ugu Geeriyooday Somalilnd, halka Dad cusubna laga helay.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay Baadhitaano loo sameeyay Dad gaadhaya 78 Qof, 28 Dadkaa ka mid ahna laga helay Xanuunka.
Halka Qof e Geeriyooday ayaa tirada Dadka u dhintay Xanuunka Covid_19 ka dhigaysa 23 Qof, halka 28-ka Qof ee laga helay xanuunkuna ay tirada guud ee Xanuunkaa qabta ee Somaliland joogta ka dhigaysa 332 Qof.
Geeska.net/Hargeisa Office