Hargeysa(Geeska) Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay usoo jeedsatay in ay la shaqayso Somaliland, isla markaana ay ka quusatay siyaasaddii “Soomaaliya oo Mida” ee ay Washington muddada dheer ku wajihi jirtay arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Yuusuf Bakaal, ayaa sheegay in Somaliland ay gaadhay heer aan la dafiri karin marka la eego nabadda, dimuqraadiyadda ka jirta, iyo goobta ay ku taallo.
“Cilaaqaadkayaga waxa sababay Maraykanka oo ka quustay siyaasaddii muddada dheer u dajisnayd ee ‘Soomaaliya hal ah’. Waxa ay hadda kasoo laabteen oo ay arkeen in siyaasaddoodii hore aysan hadda shaqaynayn. Ta labaad, Somaliland waxay soo gaadhay xaalad aan indhaha laga qarsan karin,” ayuu yidhi Wasiir Bakaal.
Wuxuu sidoo kale xusay in goobta ay Somaliland ku taallo ay soo jiidatay indhaha caalamka, xilli ay goobtani muhiim noqotay kadib markii ay korodhay nabadgelyo-darrada ka taagan marinada ganacsiga adduunka ee Somaliland ay ka ag dhowdahay.
Wasiirka oo wax laga waydiiyay ololaha dowladda Soomaaliya ku diiddan tahay aqoonsiga Somaliland, iyo codsiga dekedaha ay u bandhigtay Maraykanka, ayaa sheegay in dowladda federaalku aanay gacanta ku hayn dekedaha ay sheegtay inay bixinayso, oo xattaa aysan si buuxda u sugi karin amniga Muqdisho.