Somaliland oo Laga Bilaabayo Olole Bulshada Lagu Barayo Nidaamka loo Dacwoodo

0
566

Picture3Hargeysa (Geeska)- Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horraysay laga bilaabayaa olole shacabka lagu baraayo nidaamka ay u dacwoon lahaayeen iyo darriiqyada loo maraayo dacwad furashada.

Xaflad lagaga dhawaaqay shaacinta ololahan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Agaasimaha Guud, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Isku-xidhaha Hay’adda UNODC ee Somaliland, masuuliyiin ka socday ururradda qareennada Somaliland, waaxyaha adeegyada jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Barnaamijkan oo socon doona muddo 10 toddobaad ah waxa maalgeliyey hay’adda UNODC, isla markaana waxa fulin doona Waaxyaha Adeegga Sharciga ee Jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa, ururrada qareennada ee SOLA iyo SOWLA iyo Wasaaradda Caddaaladda oo dusha ka kormeeri doonta.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ku dhawaaqay furitaanka ololahan oo gobollada ugu bixi doonaan shaqaale ka kala socda hay’adaha fulin doona, ayaa sheegay in shacabka lagu barayo sida ay u shaqeeyaan ciidammada bilayska, xeer-ilaalinta iyo maxkamaduhu

“Farxad bay inoo tahay in aynu dhaqaajinno olole ballaadhan oo aynu doonaynno inaynnu dadka ku barno sida uu u shaqeeyo nidaamkeena caddaaladeed, waana olole ballaadhan oo 10 toddobaad socon doona oo dalka koone ilaa koone lagu mari doono, laguna gudbin doono farriimo qoraal ah, qaar sawir iyo kullamo farriimaha ololahan xambaarsan yahay,” ayuu yidhi.

Wasiir Caydiid waxa uu tilmaamay in ololahan dadka u soo leexin doono nidaamka caddaaladeed ee dalka ka jira si ay u aaminaan in dacwadooda si caddaaladda loogu qaado “Ummadda Somaliland in ay aad u barato nidaamka caddaaladda, hab ciqaabeedka iyo hawlaha ku xeeran ayaa ololahan loo qaadaya, waxaannu idinkaga soo warheli doona kolba hawshu siday u socoto, qudhayduna ololayaasha meelahay ka socdaan waan idiinku imaan doona.”

Isku-xidhaha barnaamijyada hay’adda UNODC ee Somaliland Mr. Simon Charter, ayaa sheegay in hay’adoodu caawinayso bilaabitaanka ololaha dadka lagu barayo nidaamka loo dacwood, isagoo xusay in ay diyaariyeen dukumanti amma buug ka hadlaya habka ugu habboon ee Somaliland kula tacaali karto caddaalad-u-raadinta dadka, waxaannu yidhi; “Dokumantiga axdiga dacwoodayaasha waxa lagu diyaariyey iskaashi dhexmaray hay’adaha heer qaran ee Somaliland iyo UNODC, kaasoo looga gol lahaa in la fahmo caddaalada, waxa loo bixi doona gobollada si dadka loo fahamsiiyo, annagoo la shaqayn doonna hay’adaha gargaarka sharci iyo ururrada qareennada, iyagoo u bixi doona degaannada Somaliland oo dhan si ay u qabtaan kun kulan oo shacabka lala kulmayo, gaar ahaan ay kula kulmi doonaan goobaha waxbarashada, suuqyada iyo hoolalka bulshadu ku shirto.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Yuusuf Ismaciil Cali, ayaa xusay in barnaamijkan ololahiisu ku salaysan yahay xaqa dacwada oo ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah. “Barnaamijkan wuxuu kadinkii iyo dariiqii ay u mari lahaayeen marka lagu gafo xuquuqdooa aasaasiga ah iyo xuquuqda shakhsiga ah, marka qof la leeyahayna waxa ku jira qofka kale ee bani’aadamka ah, ajenebiga ah baa ku jira. Maxkamaduhu waa meesha kaliya ee albabadeedu u furan yahay oo aan midab kala sooc lahayn oo aan kala jeclaysi lahay dadka bani’aadamka ah.”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax, ayaa soo dhaweeyey barnaamijkan, isagoo ballanqaaday in ay la shaqayn doonaan hay’adaha fulin doona ololahan iyo shaqaalahoodaba, isagoo ku tilmaamay inuu yahay barnaamij guul weyn caddaaladda u soo hoyn doona.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay sarkaal ciidanka booliska ah iyo xubin ka tirsan hay’adaha fulin doona adeeggan, kuwaasoo soo dhaweeyey in barnaamijkan ay u qaban doonaan sida ugu wanaagsan, diyaarna u yihiin ka hawlgeliddiisa.

Wasiirka Caddaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa hay’adaha ololahan fulin doona guddoonsiiyey qalabkii ay ku qaban lahaayeen hawshan, isagoo kula dardaarmay inay si hufnaan iyo dedaal leh uga soo baxaan.