Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Shirkaasi ay u arkaan mid muujinaya heerka Somaliland Caalamka ka joogto maadaama dunidu danaynayso Khayraadka Somaliland.
Wasiirka ayaa shalay shirjaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.
“Maanta [shalay] waxaan doonayaa inaan idinku war galiyo Shirka weyn ee Ganacsiga oo Somaliland iyo Ingiriisku Bisha October 14-keeda ku qabanayaan London.waxay Ingiriisku Shirar hore ka qabteen waddamo badan oo ilaa dhawr iyo soddon waddan ah oo ay ku jirto Malawi, Gabon,Cameroon iyo wadamo fara badan oo Somalia iyo Jabuuti ku jiraan, imikana waxay noqotay doorkeenii” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay inay filayaan in shirkaasi ay ka qayb gali doonaan Ganacsato badan oo Reer Somaliland iyo Ganacsato Ingiriis ah. Waxa uu sheegay inay Shir ku saabsan ka qayb galka shirkaasi u qabteen Ganacsatada Somaliland, Rugta Ganacsiga iyo Wasaaradda ganacsiga.
“Arinkani waa arin aad iyo aad u weyn, waxaanan u aragnaa in Maanta Somaliland gaadhay heer Caalamkii tixgalinayo in Khayraadkeeda Caalamka loo sheego” ayuu yidhi Wasiirku
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Waxa uu dhanka kale ka hadlay Wada hadalkii Somaliland iyo Somalia, isagoo sheegay inay filayaan in October la qabto Shirkaasi “Waa Shir aanu doonayno inuu socdo, waayo? Sida kaliya ee aanu ku kala tagi karo Dawladda Xamar waa inagoo wada hadala iyo heshiis” ayuu yidhi wasiirku.