Somaliland Oo Ka Jawaabtay Digniinta Amni Ee Uu Ingiriisku Soo Saaray

0
554

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka warfaahinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa jawaab ka bixiyay digniinta dawlada Ingiriisku ay muwaadiniinteeda uga digtay inay yimaadaan Somaliland Somaliland.

Waxa uu wasiir Cukuse sheegay in warkaas ay dawlada Ingiriisku faafisay ay iyaduba ogtahay in aanu run ahayn, waxaanu sidan ku sheegay mar ay warbaahintu wax ka waydiisay dhawaaqa ay soo saartay dawlada Ingiriisku ee ay muwaadiniinteeda ugu digaysay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Dawlada Igiriiska iyo dawladaha kaleba waxaanu doonaynaa inaanu markale iyo markaleba u cadayno, anagu waxaanu joognaa dalkayagii oo nabad ah oo xor ah, oo nidaamka uu ku nool yahayna uu yahay nidaamkaas kala danbayntu jirto ee sharcigu uu sareeyo,nidaam qorigu taliyo aanu ahayn,meel fowdo ka jirtona maaha dalkayagu, waa meeshaas qofku alle ka sokow nabada uu ku nool yahay dadkiisana la nool yahay dawladnimaduna ka jirto.Waxaanu cadaynaynaa dawlada Ingiriiska iyo kuwa kale ee marar faro badan dhawaaq noocaas ah sheega xogta ay ka hayaan Somaliland waa xog u xaqiijinaysa in waxaas ay sheegayaan aanu run ahayn.”