Somaliland Oo Ka Hadashay Dhallinyaro Reer Somaliya Ah Oo Muqdisho Lagu Celiyay

0
529

Picture3Hargeysa(Geeska):-Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Md.Maxamed Cali Yuusuf(Cambaro), ayaa ka hadlay dhalinyaro ka yimi dalka Somaliya oo  laga celiyey madaarka Hargeysa, waxaana uu sheegay in dhalinyaradaas ay ahaayeen kuwo aan sidan wax sharci ah sidaas awgeedna ay dib ugu celiyeen dalka Somaliya oo ay ka yimaadeen.

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa arrintaasi ku macneeyay “Way jiraan dad aanu ka celinay madaarka Cigaal International Airport. Waxay ahaayeen 45 qof oo ka soo degay madaarka Hargeysa, dadkaas markii aanu baadhnay 40 ka mid ahi waxay siteen sharci ama Dhukumanti lagu socdaalo, 5 ka mid ahina may sidan wax Aqoonsi ah ama Sharci socdaal ah, markaa kadib markii aanu ka waynay wax sharci ah oo ay ugu kala safraan Labada dal ee Somaliland iyo Somalia ayaanu dalka dib uga celinay.”. Ayuu yidhi Md.Maxamed Cambaro.

Taliyaha socdaalka Somaliland, ayaa sidoo kale farriin u diray dhiggiisa Soomaaliya, waxaana uu yidhi: “Laanta socdaalka Somalia waxaanu u sheegaynaa inaanu nahay laba dal oo kala madax banaan oo iskugu safra dhukumenti sharci ah, sidoo kale dalalka aanu deriska nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya wixii aan sharci sidan waanu celinayaa kuwaas  aanu jaarka nahay uun buu nooga mid yahay dalka Somalia”