Hargeysa(Geeska) xukuumada Somaliland ayaa Cadho ka muujisay kulan la sheegay in uu dhex maray Safiirka wadanka turkiga u fadhiya Muqdiisho oo kulan la qaatay suldaan Wabar.
Sida ka muuqata Sawiro lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa laga dheehan kara safiirka turkiga oo la taagan suldaan wabar iyaga oo kor uwada haya calanka Wadanka Somaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa u yeedhay Qunsulka Guud ee Turkiga ee Hargeysa kaddib markii la xaqiijiyey warar ku saabsan kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Safiirka Turkiga iyo Suldaan Wabar oo Somaliland ku tilmaantay shaqsi lagu ogyahay inuu ku lug leeyahay falal lid ku ah amniga iyo qaranimada Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu yidhi;
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Dawladda Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xidhiidha faragelinta iyo carqaladaynta amniga Somaliland.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddeynaysaa inaanay marnaba aqbali doonin ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qaranka ee ay leedahay.”