Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Awaamiir Ka Soo Baxay Dawladda Soomaaliya

0
100

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda JSL, ayaa si adag uga hadashay qorshe Dawladda taagta-daran ee Soomaaliya ku doonayso inay ku carqaladayso shirkadaha ka shaqeeya gudaha Somaliland.

Dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, ayaa Maalinti Sabtidi  Muqdisho ka soo saartay Warqad ay shirkadaha Xawilaadda lacagaha ee ka shaqeeya Somaliland ku amrayso in aanay magaca Somaliland adeegsan, iyadoo ku

andacoonaysa inay dhowrayso waxa loogu yeedhay Midnimada Soomaaliya.

Laakiin, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta JSL, ahna Afhayeenka Xukuumadda Cali Xasan Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa shirkadaha dalka ka shaqeeya uga digay inay ku dhaqmaan awaamiirta ka soo baxay Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in warqadda ka soo baxday Somalia ay tusaale u tahay awood la’aanta haysa, waxa keliya ee ay Maanta awoodaana tahay inay ku dagaalamaan waraaqo ay soo saaraan.

Mudane Cali-mareexaan wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan Somaliland waxba u noqonayn awaamiir aan dhulkeeda ka shaqayn karin oo ka soo baxa Muqdisho, isagoo xusay in shacabka JSL u adkaysteen oo ay ka soo doogeen diyaaradihii uu Taliskii Maxamed Siyaad Barre ku garaacay.

Wasiirka Warfaafinta JSL wuxuu sheegay in bulshada caalamka oo hore u aqoonsatay Soomaaliya ay xilligan ka fikirayaan sidii ay ugala laaban lahaayeen, maaddaama buu yidhi ay ka gudbi kari wayday tijaabadii la marinayey isla-markaana Dawladnimadoodii dhaafi wayday dhowr Kiiloo Mitir oo gudaha Muqdisho ah.

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu uga digay shirkadaha Xawilaadda lacagaha inay run moodaan oo ay fuliyaan awaamiirta Dawladda Soomaaliya, shirkadda fulisaana ay dambi ka gashay lixda Milyan ee reer Somaliland.