Ceerigaabo(Geeska)- Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa ay gacanta ku dhigeen doon siday dad tahriibayaal Ethiopian ah , Doontan ayaa ay ciidamadu ka soo qabteen deeganka xarjo oo 55 km dhinca bari kaga began xeebta meydh ee Somaliland .
Doontan ayaa bada ku jirtey isla markaana dul sabeynaysay muddo labada todobaad ah waxaana ay ciidamdu bad baadiyeen 72 qof halka 10 kalana ay ku dhinteen laguna aasaay xeebta. Waxaana la sheegayaa in la helay maydka 7 ruux oo la aaminsanyahay inay ka mid yihiin 10 ruux oo u dhintay gaajo iyo haraad.
Gudoomiyaha gobalka sanaag Axmed Cabdi Falay oo warbaahinta arintaasi u sheegay ayaa waxaa uu sidoo kale uu xusay in naakhuudayaashi i waday doontaasi ay isku dayeen in ay baxsadaan isla markaan ciidamda bada Somaliland ay ka soo qabteen buuraha deegankasi oo ay baxsad ku tageen
Xukuumada Somaliland ayaa badhitaan xoog leh ku wada doontaasi oo hada joogta xeebta dadkiina ay ku sugan yahiin isla gobaatasi