Somaliland: Komiishanka Qaranka Oo Ku Baaqay In Dadweynuhu Soo Dhawaystaan Kaadhadhka Cod-Bixinta & Eedaymaha Kulul Ee Tartamayaashu Isku Jeedinayaan

0
35

Hargeysa (Geeska) – Komiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa Shalay dalka keenay waraaqaha cod-bixinta doorashada oo lagu soo daabacay dalka Ingiriiska.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo ay wehelinayaan Guddida Hawlgallinta Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda (Taskforce), ayaa Gegada Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ka soo dejiyey Waraaqaha Codbixinta (ballot papers).ee Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Xisbiyada Qaranka 13 November 2024.

Guddoomiyah Komiishanka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf oo ka hadlay waraaqaha cod-bixinta ee dalka soo gaadhay ayaa yidhi ” “Cadowga Somaliland wuu ka naxayaa in Waraaqaha cod-bixintu Dalka soo gaadheen..” ayuu sheegay waxaanu intaa ku daray “Dadku kaadhadhkooda ha soo dhawaystaan, doorashadu si xalaal ah ayay inoogu dhacaysaa..”

Keenidda Waraaqaha cod-bixinta waxa iyaguna soo dhaweeyay Wakiillada Xisbiyada iyo Ururrada siyaasadda u qaabilsan Komiishanka, kuwaasi oo sheegay inay Guddiga doorashada ku barbar taagan yihiin hawsha culus ee ay Qaranka u hayaan.

Waraaqaha la keenay ayaa ku soo beegmaya xilli uu bilaabmay ololaha dooashada Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda isla-markaana dhinacyada loolamayaa isku jeedinayaan eedaymo  culculus, si ay taageerayaasha u kala jiitaan