Somaliland: Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Gaadhay 43 Qof

0
516

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in 3 Qof oo kale laga helay xanuunka Covid_19, ka dib markii Shaybaadh lagu sameeyay dhiigaggooda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Shalay Saxaafadda siiyey War-bixinta Maalin laha ee la xidhiidha Cudurka Covid_19 ayaa sheegay in 3 Qof oo cusub laga helay xanuunka, taasi oo tirade Dadka uu Xanuunku ku soo ritay gudaha Somaliland ka dhigaysa 43.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somalland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu caddaynaynaa in baadhitaan dheeraad ah oo la sameeyay ay tiradii hore ku soo biireen Saddex Xaaladood oo kale.”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay “Shalay (Doraad) waxaynu maraynay 40 Xaaladood oo Xanuunka laga helay, Maanta (Shalay) waxaynu maraynaa 43 Xaaladood, markaa Tirada cusub ee xanuunka laga helay waa Saddex Xaaladood.” Ayuuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Saddex Xaaladood waxay isugu jiraan 2 Rag ah iyo 1 Dumar ah, da’dooduna waxay u dhaxaysaa 30 illaa 40 jir .”

Agaasime Xergeeye waxa kale oo uu sheegay “Dhammaan 3-da Qof waxay ku sugan yihiin Gobolka Maroodi-jeex, laakiin midkood baa Saaxil ka yimid.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in la Shaybaadhay Dad gaadhaya 406 Qof.

Gudaha Somaliland, waxa hore Xanuunka ugu Geeriyooday 5 Ruux, waxaana ka soo kabtay 3 Qof, halka ay Karantiil ku jiraan Dad gaadhaya 64 Qof.