Dowladdaha Somalia iyo Kenya ayaa isku maandhaafsan halka uu ka dhacayo kulan lagaga dhawaaqayo hirgelinta heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee arinta dib u celinta khaxootiga Somalida ee Kenya ku nool.
Kulankaasi looga dhawaaqayo bilowga hirgalinta heshiiskaas oo hay’adda UNHCR qayb ka tahay ayaa dowladda Kenya ay dooneysaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi halka dowladda Somaliyana ay ku adkeyaneyso in lagu qabto Muqdisho.
Dhinaca kale kulan Jimcihii lagu waday inuu ka dhaco magaalada Nairobi ayaa warbaahinta Kenya ay qortay inuu baaqday markii dowladda Somalia ka qeybgali weyday.
Labaa dawladood ayaa arrimo kale oo badan isku maandhaafsan.