SOLJA Oo Walaac Ka Muujisay Khilaafka Ka Taagan Wasaarada Warfaafinta Iyo Saxafiyiin La Xidhay

0
492

Picture4

Hargeysa (Geeska)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta iyo Xukuumadda ba ugu baaqayaa in la sii daayo toddoba wariye oo ay maanta ciidanka Booliiska Wasaaradda warfaafintu u taxaabeen Saldhiga, kuwaas oo mid ka mid ah xaaladdiisa Caafimaad aad u Liidato, kadib markii ay Garaaceen. SOLJA waxay walaac xoogan ka muujinaysaa khilaafka soo noq noqday eek u gedaaman Wasaaradda Warfaafinta, kaasoo saamayn ku yeeshay Wariyayaasha ka hawl-gala wasaaradaas, kuwaas oo marar kala duwan cabashadoodu soo gaadhay SOLJA, balse ay xukuumaddu gacanta kula jirtay. Nidaamka Dawladeed ayay tahay in Masuuliyiinta wasaaraddaha iy shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-galaa kala yeeshaan masuuliyadahooda kala duwan, isla markaana wax qof kasta saran masuuliyadiisa gaar ah, sidaas daraadeed dhawaaqyada SOLJA ka soo gaadhaya khilaaf u dhaxeeya bahda wasaaradda warfaafintu waa mid muuqaal xun ka bixinaya haykalka Dawladdnimo. Dhacdada lagu xidh xidhay toddobada wariye waa mid ay masuuliyadeeda yeelan doonto cidii samaysay khaladka keenay inay isku dhacaan Ciidanka Amniga iyo Wariyayaashu, hase yeeshee SOLJA waxay soo jeedinaysaa in si dhakhso ah loo soo daayo wariyayaasha isla markaana la saxo maamul xumada ka jirta wasaaradda warfaafinta taasoo ah mid soo shaac baxday tan iyo toddobaadkii hore, markii khilaaf soo jiitamayey ka dhex qarxay masuuliyiinta wasaaraddaasi. SOLJA waxay dhinacyada ugu baaqaysaa in la ilaaliyo isla markaana la ixtiraamo sharafta wasaaradda Warfaafinta iyo wariyayaasha ka hawl-gala, waxaana loo baahan yahay wasaaraddu inay noqoto mid khilaafkeeda loo Maareeyo si qoto-dheer. SOLJA sida ay xogta ku heshay dhacdada sababtay in la xidho wariyayaashaasi, waa mid sal-balaadhan oo ku qotonta kala amar qaadasho la’aan u dhaxaysa masuuliyiinta iyo Hawl-wadeenada wasaaradaasi oo kala qaybsan.

 sidaas daraadeed waxay SOLJA  ugu baaqaysaa in la ilaaliyo kala danbaynta iyo nidaamka shaqo inta aanay xaaladdu gaadhin meel aan waxba laga qaban doonin.

Liiska wariyayaasha la xidhay:-

1.       Jamaal Axmed Naasir Barnaamij soo saare

2.       Farxaan Finad Faarax Transmitter-ka

3.       Maxamed Ismaaciil Cabdi Barnaamij soo saare

4.       Axmed Ibraahim Qalinle Camer Man

5.       Liibaan C/laahi C/salaan Sh Cali Jawhar Camera Man

6.       Nimcaan Axmed Dagaal Camera Man

7.       Xasan Ismaaciil Maxamed (Shaah) Barnaamij soo saare

Saxafiiyiinta la xidhxidhay ayaa xalay la soo daayey goor danbe, waxaana warkan ku saxeexnaa gudoomiyaha SOLJA